4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 29, 2016
Madaxweynaha Somalia oo si Rasmi ah Maanta u furay shirka madasha Wada-tashiga (SAWIRRO)


Axad, May 29, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta Madaxtooyada si rasmi ah uga furay Madasha Wadatashiga hoggaamiyeyaasha qaranka ee ay ku mideysan yihiin hoggaanka dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada dalka ka jira.

Shirkan oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa lagu gorfeyn doonaa arrimaha siyaasadda iyo amniga.

Dhanka siyaasadda waxaa shirkan uu ka doodi doonaa arrimaha doorashada 2016-ka iyo dhaqan-gelinta hannaanka lagu heshiiyay ee doorasho iyo arrimaha kale ee ku xeeran.

Waxaa sidoo kale madaxda ay ka doodi doonaan Barnaamijka Siyaasadda Amniga Qaranka.

Madaxda ka qeybgaleysa shirkan ayaa waxaa ka mid ah Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka, Maxamed Cumar Carte, iyo madaxda dowlad goboleedyada Koonfuur Galbeed, Puntland, Galmudug iyo Jubbaland.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaalia