4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 29, 2016
Maamulka Puntland oo Gacanta kusoo dhigay Dad Tahriibayaal ah


Axad, May 29, 2016 (HOL) — Dekedda Degmada Boosaaso ee gobolka Bari waxay marin u noqotay dadka socdaalka Sharci-darada ah ku gala Dalka Yemen, kaliya Soomaalida ma-ahan kuwa ka Tahriibo dekada Magaalada Boosaaso, waxaa kaloo jira Dad Itoobiyaan ah oo ka tahriibo degmada Boosaaso sida ay maamulka Sheegeen, si taasi looga hortago ayuu maamulka Putland wadaa-dadaalo lagu joojinayo Tahriibka.

Guddoomiyaha Gobolka Bari ee Maamulka Putland, Yuusuf Maxamed Waceys ayaa xusay in ay Gacanta ku soo dhigeen 70 Ruux kuwaas oo laga soo Qabtay Xeebaha Boosaaso ee Maamulka Putland waxay isugu jiraan ayaa dad tahriibayay iyo kuwa aan uga shakinay in ay ka tirsan yihiin Alshabaab.

Tariibayaasha waxaan ku celin doonaa deegaanadooda inta kalana weyn baari doonaa ayuu yiri.

Sidoo kale, wuxuu yiri. "Muddo ayaan ka hadalnay dhibaatada tahriibka waxa aan Xoogga saareynaa in aanan laga talaabin xeebtan waa Qatar waxana lagu jiraa xili- Xagaa ah waxaa sidaasi yiri Guddoomiyaha Gobolka Bari.

Ugu dambeyn, horay ayay Maamulka Puntland gacanta ugu soo dhigeen boqolaal dad oo si sharci daro ah uga Tahriibi lahaa xeebta Magaalada Boosaaso.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya