4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 29, 2016
Wasaarada Diinta iyo Awqaafta XF oo sheegtay in ay diyaar-garoow ay ugu jirto Bisha Ramadaan

Axad, May 29, 2016 (HOL) — Xili Maalmo kooban ay ka harsan tahay Bilashada Bisha Barakeysan ee Ramadaan ayaa jira Diyaar garow ay shacabka iyo wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee xukuumadda soomaaliya ay wadaan kaasi oo ah in si wadajir ah loo soomo loona afuro.

Sidoo kale waxaa suuqdayadda muqdisho iyo goobaha laga dukaameysto lagu arkayaa dad ku howshoon iibsashada sheeyo ka dhiman guryahooda si ay ugu diyaar garoowaan gudushada soonka .

Marka intaasi laga yimaado waxaa dhacda in ay dadku kala soomaan maalin-ka koowaad sabab la xiriirta arkida bisha in kastoo ay badan yihiin dadka Sooma aalinka koowaad ee Ramadaanka.

Bisha shacbaan oo marna ku dhamaato 29 halka ay marna ku dhamaato 30 ayaa dhalisa in shacabku Qayb ahaan ka haraan maalinka koowaad ee soonka si taasi si looga Gudbo ayay wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee xukuumadda soomaaliya sheegtay in ay ku dadaaleyso in dadku ay wadajir u soomaan una afuraan balse ay ku xiran tahay arkida bisha .waxaa sidaasi yiri Agaasimaha Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Sh. C/risaaq Maxamed Qeyrow.

Sidoo kale, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Xukuumadda Somalia Sheekh C/risaaq Maxamed Qeyrow ayaa ugu baaqay laamaha amaanka Xaqiijinta amniga magaalada inta lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan si aysan u dhicin falal amni xumo ah.

“Laamaha Amniga waxaan ka codsaneynaa in ay nagala shaqeeyaan soo qabashada dadka caadeystay in bisha Ramadaanka ay cunooyinka ku kariyaan meelaha qarsoon ,sidoo kale kuwa muqaadaraadka ku isticmaalo magaalada Dhexdeeda iyadoo la sooman yahay waxaa sidaasi Yiri Sheekh Cabdirisaaq Qeyrow Agaasimaha Wasaaradda Diinta iyo Aw-qaafta.

Ugu dambeyn, Waa u lama huraan qofkasta oo muslim ah in uu waajibadka Alle saaray uu guto iyadda oo aysan jirin cid ku hubineysa ama ku ilaalineysa.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya