4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 29, 2016
Madaxwaynaha maamulka Khaatumo oo sheegay in kalfadhiga danbe ee maamulkiisa Laascaanood lagu qabandoono.

Axad, May 29, 2016 (HOL) - Madaxwaynaha Maamulka Khaatumo mudane Prof. Cali Khaliif Galaydh ayaa ku goodiyay in kalfadhiga soosocda ee maamulkiisa uu ku rajo waynyahay in lagu qaban doono xarunta gobolka Sool ee Laascaanood.

Madaxwayne Galaydh ayaa shalay ka hadlayey furitaankii kalfadhigiiafraad ee barlamaanka Khaatumo oo lagu qabtay magaalada Buuhoodle ee gobolka Cayn oo ay ka soo galeen xubnaha
barlamaanka iyo qaar ka mid ah wasiirada Khaatumo ,wuxuuna sheegay in maamulkiisu uu soomaray marxalado aad u adag oo aan la filayn inuu dib u sii jiri doono hase ahaate EEBE mahadi ha sugnaatee uu dhidibadu wali u adagyihiin maamulkiisa.

Madaxwaynaha ayaa xusay in uu ciidan tayo iyo mushaharba leh muda soo socota loo dhisi doono dawladiisa bisha tobnaad ee sooosoctana ay gacanta ku dhigi doonaan  goobaha  laga haysto,waxuuna sheegay in hadafka umadiisu ugu waynayaha kobcinta horumarka deegaanadda Khaatumo
oo mudooyinkii la soo dhaafay aan waxaba laga qaban siduu hadlka u dhigay.

Mudane Cali KHaliif ayaa aad ugu dheeraaday xidhiidhka maamulkiisa uu la leeyahay Dawladda Dhexe ee Soomaaliya iyadoo ay xurguf ka dhex oogantahay maamulka Khaatumo  kadib markii la sheegay in xildhibaanada deegaanada uu soo xuli doono Maamulka Puntland.

Ugudanbayntii madaxwaynaha maamulka Khaatumo ayaa shacabkiisa ugu baaqay in guusho ay aad uga dhawdahay loona baahanyahy in loo wada guntado sidii loogaadhi lahaa midnimada ,cida ka qayb qaadataa xoraynta deegaanada la haytaana ay mudnaanta koobaad yeelan doonto.

Seynab Cabdi Warsame,Hiiraan Online.
[email protected]