4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, May 29, 2016
Wadamada Sacuudiga iyo Iran oo Kumuransan Xujeyda Ka Imaaneysa Iran Sanadkaan

Axad, Mey 29, 2016 (HOL)-Dawladaha Sacuudiga iyo Iran ayaa waxay isku khilaafeen oo ay ka baaqsadeen in wax is afgarad ah ay ka gaaraan arimaha xujeyda ka imaaneysa sanadkaan dalkaasi Iran.

Waxa laisku heysto hase ahaatee waa uu ka badan yahay intaas oo waa oohintu orgiga ka weyn balse waxa ay haatan isku hayeen oo ay ka wada hadleen waa nidaamka ay kuimaan doonaan xujeyda reer Iran kacbada Makka sanadkaan.

Sanadkii lasoo dhaafay xujey badan oo reer Iran ah ayaa ku wafaaday xajka arintaas oo ay ku andacootay dawlada Iran in maamul xumo dawlada Sacuudiga ay ku kacday ay ka dhalatay.

Amuuraha arinkaasi ku hareereysan ee laisla soo qaaday isla markaana ay ku heshiin waayeen labada dal waa dal ku galka Sacuudiga ee ay qaadanayaan xujeyda Iran ka imaada xilliga xajka la guto.

Si kastaba ha ahaatee, muddo dheer ayaa uu xumaa xiriirka Sacuudiga iyo Iran ayadoo Iran ay taageerto shiicada caalamka halka Sacuudiguna uu taageero sunniyiinta dunida.

Waxaa la xasuustaa in isbahaysiga Sacuudigu dhawaan kula dagaalamaayay xuutiyiinta dalka Yemen kuwaasoo dalka Iran uu taageero.

Sidoo kale, waxaa dhawaan Sacuudigu laayay dad shiico ah oo uu u arkay in ammaanka dalkaa ay liddi ku ahaayeen sida shiikh shiici ahaa oo la oran jiray Nimr al-Nimr.

Intaa kadib waxaa la weeraray safaarada Sacuudiga ee kutaal caasimda Tehran ee dalkaasi Iran.

Dhibaatada u dhexeysa shiicada iyo sunniyiinta ayaa caalamka oo dhan in dhawaaleba ballaaraneysay ayadoo meelaha ay isku hayaan uu ku jiro dalkaasi Suuriya oo madaxweynuhu yahay Shiico halka fallaadaga kasoo horjeeda ay tahay sunni.

Warsame
[email protected]