4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 28, 2016
DAAWO: Madaxweynaha Somalia oo ka Hadlay Dhismaha Maamulka Hiiraan & Shabel. Dhexe

Sabti, May 28, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ka qayb-galay Barnaamij laga baahiyay Warbaahinta Dowladda ayaa sheegay in si dhaqso ah maamul loogu sameyn doono Gobolada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe si kaalin wax ku ool ah ay uga qaataan Doorashooyinka la filayo inay Dalka ka dhacdo Daba-yaaqada 2016.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in Siyaasadda Dowladda Federaalka Soomaaliya ay tahay in la dhiso maamul goboleedyo ay ka Muuqdaan qaybaha bulshada. Wuxuu intaas ku daray inay socdaan Wada-tashiyo ku Saabsan dhismaha maamulka Gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe, Isagoo Carrabka ku Dhuftay in Dowladda Soomaaliya ay ka Shaqeyneyso Qancinta dadka wax tabanaya.

Sidoo kale,  Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa qiray in dowladdu ay  isku day-day inay wax ka qabato colaadii ka dhacay Beledweyne, isagoo xusay in uu u diray Madaxda Dowladda, Nabad-doonno, Ganacsato iyo Waxgarad kale oo Colaaddaas wax ka qaban kara.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Somalia ayaa sheegay in Dowladda Somalia ay ku hawlan tahay samata-bixinta dadkii ay saameeyeen Fatahaadda ku dhuftay magaalada Beledweyne, isagoo intaa ku daray in maalmaha soo socda loo dirayo Baladweyne kaalmooyin Gar-gaar ah ah Qoysaska ku barakacay fatahaadda Wabiga Shabeelle.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya