4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 28, 2016
BELEDWEYNE: Dadka Xaafada Buundo-weyn oo ka Cabanaya CUDURRO kala duwan (DAAWO)


Sabti, May 28, 2016 (HOL) — Dadka ku nool Xaafada Buundo-weyn ee magaalada Beled-weyne ee Xarunta Gobolka Hiiraan, ayaa ka Cabanaya Cudurro kala duwan oo Durbaba ka dhashay Fatahaadda Webiga Shabeelle.

Mas'uuliyiinta Maamulka xaafadaas ayaa HOL u sheegay in ay jiraan dad isugu jira cuduro iyo Dad Waayeel ah oo u Dhintay Cudurka Shuban-biyoodka oo sida ay Hadalka u dhigeen ka dilaacay xaafadda.

Ugu danbeyntii, inkastoo biyaha hadda u Muuqdaa kuwo Hoos u dhac sameynaya, haddana waxaa jira Cabsi weyn oo laga qabo Cudurro ka Dhalan kara Biyaha Meelaha ku sii harsan, kuwaasoo ay ka mid yihiin Cudurrada Shuban-biyoodka iyo Kaneecada (Malaariyo).

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya