4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 28, 2016
SAWIRO: Waxgarad Koonfurta Somalia ka yimid oo Magaalada Laas-caanood soo Gaaray Maanta


Sabti, May 28, 2016 (HOL) — Wafdi ballaadhan oo uu Hoggaaminayay, Imaam Maxamed Imaam Yuusuf - ayaa Maanta soo gaaray Degmada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool. Waxaana Xubnaha Wadigaan Madax-dhaqameedyada ah ka mid ahaa; Ugaas Xasan Ugaas Maxamed Ugaas Nuur, Ugaas Faarax Cabdi Sheekh, Ugaas C/kariin Ugaas C/llaahi, Ugaas Axmed Rashid Faahiye, iyadoo si weyn loogu soo dhaweeyay Garoonka Laascaanood.

Guddoomiye ku xigeenka Gobolka Sool oo soo Dhaweyntaasi ka hadlay ayaa sheegay inay muhiim u tahay inay kusoo dhaweeyeen madax-dhaqameedyadaan Gobolka Sool, wuxuuna xusay inay yihiin madax-dhaqameedkii ugu Ballaadhnaa soo gaara Gobolka.

Sidoo kale, Imaam Maxamed Imaam Yuusuf oo halkaas ka hadlay, ayaa Wuxuu ka mahad-celiyay soo dhaweynta loo sameeyey, isagoo intaas ku daray inay aad ugu Qanacsan yihiin imaashaha dhulkooda.

"Wafdigan Waa Madaxda-dhaqanyadii Koonfurta Soomaaliya, waxaanan u nimid inaan ka Qayb-qaadano Caleemo-saarka, Suldaan Mustafe Maxamed Aw-seed, Dhulkeenii ayaanan nimid, wixii intaa dheera waxaan isugu imaanaynaa Madasha," ayuu yiri Imaam Maxamed.

Oday-dhaqameedyadan oo ah kuwii ugu horreeyay oo soo gaara Laascaanood, ayaa waxay horseed u yihiin madax-dhaqameed tira badan oo kusoo wajahan magaalada Laascaanood, kuwaasoo ka kala imaanaya; Puntland, Jubbaland, Waqooyi & Kililka Shanaad ee Itoobiya, si ay goobjoog uga noqdaan Caleemo-saarka Suldaan Mustafe Maxamed Aw-seed oo 30-ka bishan May lagu Caleemo-saari doono Deegaanka Bali-Barwaaqo oo 25-km Waqooyi kaga aaddan Magaalada Laascaanood.

Ugu dambeyntii, Munaasabadda Caleemo-saarkaan - ayaa si weyn looga dareemayaa Guud ahaan Gobolka Sool, iyadoo ay kasoo Qayb-gali doonaan Kumannaan Shacab ah, iyadoo la filayo inay is-bedello Xoog leh kusoo Kordhinayaan Deegaanka Adhi-cadeeye oo Sannado badan ay ka socdeen colaado, balse xilligan noqotay mid laga suuliyey dibna loo Camiray.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
E-mail:
[email protected]
Laascaanood. Gobolka Sool