4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 28, 2016
Golaha Ammaanka ee QM oo Xilliga u Kordhiyay Hawl-galka Ururka Midowga Afrika ee Somalia


Sabti, May 28, 2016 (HOL) — Golaha Amaanka ee QM, ayaa Jimcihii shalay u Kordhiyay Xilliga Hawl-galka Midowga Afrika ee Soomaaliya [AMISOM], Kaddib Markii Xubno ka tirsan Golaha Ammaanka ay booqasho ku yimaadeen Muqdisho, ayna qiimeeyeen natiijada Hawl-gallada AMISOM ee Soomaaliya.

Xubnaha Golaha Amaanka ee QM ayaa shalay isku raacay in hawl-galka Midowga Afrika ee Somalia ay ugu kordhiyaan Muddada laba bilood oo hor leh, taasoo ku eg - 08-da bisha July ee Sannadkan 2016-ka.

Sidoo kale, 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka QM, ayaa ka codsaday Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-Moon inuu ka shaqeeyo sidii taageero dhanka Qalabka ah loo siin lahaa Ciidamada AMISOM, iyadoo la Waafajinayo Qaraarkii Tirsigiisu ahaa; 2254 ee soo baxay Sannadkii hore [2015].

Booqasho Maalin ahayd ayay xubnaha Golaha Ammaanka ee QM ku yimaadeen Muqdisho 19-kii bishaan May - iyagoo Mas’uuliyiinta Sare ee Dowladda Federaalka Soomaaliya kala Hadlay sidii loo Dardar-gelin lahaa doorashada Sannadkan 2016-ka ka dhici doonta Dalka.

“Amniga Somalia - waa mid Saameyn weyn leh, oo ay si wadajir ah Beesha Calaamka iyo Waddamada Gobolka ay Walaac Wadajir ah u muujinayaan, waana taas sababta keentay in Golaha Ammaanku uu Wakhtiga u kordhiyo Hawl-galka AMISOM ee Somalia,” ayuu yiri Danjiraha QM ee Soomaaliya, Michael Keating oo Golaha AMmaanka Siinayay Warbixin kooban oo ku saabsan arrimaha Soomaaliya.

Danjire Michael Keating ayaa intaas ku daray. “Farriinta Golaha Amamanku Waa mid cad; Beesha Caalamka waxaa laga doonayaa inay isha ku hayso Doorashooyinka ka dhici doona Somalia bisha Ogoosto ee sannadkan 2016-ka, isla marakaana ay ku caawiyaan wax walba oo ay awoodi karaan si ay u dhacdo doorasho xor ah.” Iyadoo Ergayga QM ee Somalia uu Madaxda Soomaaliya ugu baaqay inay sida ugu dhaqsiyaha badan doorashooyinka Jadwal iyo Hannaan ay isku waafaqsan yihiin ugu dajiyaan.

Ugu dambeyn, Xubnaha Golaha Amaanka ayaa intii ay ku sugnaayeen Muqdisho la qaatay kulammo kala duwan, Mas'uuliyiinta Soomaaliya sida Madaxweyne Xasan Sheekh, RW-re Sharma’arke, Madaxda Maamul-goboleedyada Dalka, Ururro ka mid ah Bulshada Rayidka, Hay’adaha Samafalka iyo Saraakiil sare oo ka tirsan Ururka Midowga Afrika & Qaramada Midoobay.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya