4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 28, 2016
Xayeesiinta Saabuunta Loo Yaqaano Qiaobi ee Shiinaha oo Loo Qaatay inay Tahay Cunsurinimo

 

 

Sebti, Mey 28, 2016 (HOL)-Xayeesiin dhawaan loo sameeyay saabuun dalka Shiinaha lagu sameeyo ayaa muujisay nin madow oo lagu ridaayo aalada dharka dhaqda ee afka qalaad loo yaqaano washing machine kadib marka afka loo galiyo asaga qudhiisa saabuuntaa oo loo yaqaano magaca Qiaobi dabadeena uu hadhow meeshaa kasoo baxaayo nin Shiineys ah oo cad!

Arintaas ayaa dad badan oo daafaha caalamka kunool gaar ahaan qaarada Afrika waxay u arkeen inay tahay cunsuriyad aan geedna loogu soo gabban.

Baraha bulshada ayaa dad badan oo gaaraya malaayiin ay ku cambaareeyeen arinkaa foosha xun oo xayeesiinta laga arkay ama kasoo muuqday.

Waxa la yaabka leh waa in xayeesiintaasi ku bilaabatay ninka madow oo si dareen shukaansi leh inta ugu soo fooryo hadana ugu il jabiyo naag Shiineys ah oo inan ah hadana ay u yeereyso ayada oo markii uu u soo dhawaado horay ugu galinaysa afka saabuunta dabadeedna sidii asagoo ay dhaqeyso galinaysa aalada dharka lagu meyro dabadeedna uu halkaa kasoo baxaayo nin Shiineys ah oo cad!

Waxa ugu daran waa sida dhaqsada leh ee ay ugu riday ayadoo aalada dharka lagu dhaqo madaxmadax ugu tuurtay kadibna inta ku aaburtay ku dul fariisatay aalada oo daboolan.

Sharqan ayaa ka yeereysa in la dhaqayo oo kale waxyar kadibna waxaa soo baxaya ninka cad ee Shiineyska ah oo wata dhar nadiif ah oo dhaqan.

Intaa kadib naagtii waa ay dhoola caddeyneysaa oo ku farxeysaa sidii ayadoo ninkii madoobaa sidaa uu usoo dhaqmay oo sidaa uu usoo daahiray-dharkiisa iyo jismigiisa intaba!

Waa cajiib; adduunka wax walba waa la arkayaa-wax kastoo aan la filayn ama sidaan oo kale fajac u ah. Arintaas ayaa aad uga careysay dad badan oo adeegsada baraha bulshada isla markaana uga soo faallooday muuqaalkaa si caro leh.

Xayeesiintaan ayaa waxoogaa waxaa kujira codad iyo muusig. Xayeesiintaa ayaa waxaa youtube laga daawaday in ka badan hal milyan oo jeer.

Dadka Afrikaanka ah ee madow taariikhiyan uma aysan hijroon jirin dalka Shiinaha inkastoo dadka kunool Shiinaha ee madow ay haatan wax yar soo badanayaan maadaama dalka Shiinaha uu yahay dalka ugu horeeya ee xiriirka ganacsi la leh qaarada Afrika marka loo eego dalalka kale ee caalamka.

Qore: Warsame
[email protected]