4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 28, 2016
Taageerayaasha & Mucaaradka Donald Trump oo ku Dagaallamay Magaalada San Diego, California


Sabti, May 28, 2016 (HOL) — Taageerayaasha iyo Mucaaradka Donald Trumo, oo ka mid ah murashaxiinta xisbiga Jamhuuriga ee Dalka Mareykanka, ayuu Iska-horimaad ku Dhex-maray Magaalada San Diego ee Gobolka California.

Ciidanka Booliiska gobolkaas ayaa sheegay in Mudaaharaadka lagu qabtay Dibadda Xarun ku Taalla Bartamaha Magaalada, uu Sharciga ka hor-jeedo, Waxayna sheegeen inay Xireen 35 qof oo ka mid ahaa dad tuurayay dhagxaan iyo dhalooyin.

Sidoo kale, Booliska rabshadaha ka hor-taga ayaa la keenay si ay u kala dhexgalaan Dibad-baxayaasha iska soo Horjeeda. Qaar ka mid ah Mudaaharadadyaasha ayaa Fuulay Darbiga Xarunta si ay ugu tuuraan Booliiska dhalooyinka ay biyo ka buuxaan.

Murashax Turmp, ayaa ku sugnaa Magaalada San Diego oo ku dhow Xadka Mexico, si uu u Qabto Dibadbax ka hor 07-da Bisha Juun ee soo socota - oo Tartan Doorasho uu ka dhici Gobolka California, isagoo ballan-qaaday inuu darbi ka dhisayo soohdinta ay la wadaagaan Waddanka Mexico, si loo celiyo Muhaajriinta.

Dadweynaha ku nool magaalada San Diego ee gobolka California, ayaa Tiro badan oo ka mid ah Waxay kasoo jeedaan Latin America, iyadoo Boqollaal kun oo kalena - ay maalin walba si Sharci ah uga soo Gudbaan dhinaca Waddanka Mexico.

Qof lagu magacaabo Martha McPhail oo ka mid ahaa mudaaharaadayaasha mucaaradka ku ah Trump, ayaa u sheegay saxaafada inuu kasoo horjeedo luuqadda naceybka iyo Takoorka ku dhisan ee Trump uu isticmaalyo, Isla-weynankiisa iyo weliba Dul-qaad la’aantiisa.

Ugu dambeyntii, Rily Hansen oo ka mid ah Taageerayaasha Murashax Donald Trump ayaa isagana difaacay, isagoo sheegay in aabihii u sheegi jiray in ganacsadaha loo baahan yahay inuu Madaxweyne noqodo, uuna jecel yahay Siyaasadihiisa.

Si kasta ha ahaatee, Donald Trump oo ah Maal-qabeen Mareykan ah ayaa wuxuu buuxiyay ergooyinkii looga baahnaa, inkastoo khilaaf uu ka Taagan yahay in Xisbiga Jamhuuriga uu u Magacaabo Murashaxooda Doorashada Guud ee November ka Dhacaysa Mareykanka uu uga qayb-galo iyo in kale.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya