4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 28, 2016
Ardeyda Dugsiyada sare ee Kismaayo oo u fariistay imtixaanaadka heer qaran [Sawirro]


Sabti, May 28, 2016 (HOL) — Ardeyda sanadkan ka qalinjabineeysa dugsiyada sare ayaa u fariistay imtixaanaadkii ugu danbeeyay ee sanadka, ayadoo imtixaanaadkan ay qaadeeyso wasaaradda waxbarashada dowladda federaalka Soomaaliya.

Magaalada Kismaayo ayaa waxaa imtixaanaadka dugsiyada sare u fariisatay in ka badan 250 arday, waxaana imtixaanka lagu qabtay Dugsiaga hoose/dhexe iyo sare ee Ganaane.

Madaxweeyne kuxigeenka 2-aad ee Jubaland Mudane C/qaadir Xaaji Max'uud Lugadheere iyo wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare ee Jubaland Mudane Max'ed Ibraahim Max'uud ayaa kormeeray ardeyda u fariisaneeysa imtixaanka, ayadoo Madaxweeyne kuxigeenka uu daahfuray imtixaanaadka ay qaadeeyso wasaaradda waxbarashada Soomaaliya.

Ammaanka dugsiga Ganaane oo ah halka ay ardeydu ku galeeysay Imtixaankaa ayaa siweyn loo adkeeyay, ayadoo la geeyay ciidamo ka tirsan kuwa nabadsugidda Jubaland.

Wasaaradda waxbarashada Somaaliya ayaa sanadkan si rasmi ah uga dhaqan gelisay inta badan gobollada Koonfureed ee dalka in laga qaado imtixaanaad heer qaran ah, kuwaa oo ay qaadeeyso wasaaradda waxbarashada, halka xilliyadii hore ay imtixaanaadku qaadi jireen dallado waxbarasho oo kala duwan.

Sida ay masuuliyiinta wasaaradda waxbarashada Soomaaliya sheegeen, ardeyda kaalimaha hore ka gasha imtixaanaadka waxa ay heli doonaan deeqo waxbarasho oo dalka dibadiisa ah.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.