4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 28, 2016
Ajaanib Dalka ku joogay sharci-daro oo dhawaan lagu Maxkamadeyn doono Magaalada Muqdisho


Sabti, May 28, 2016 (HOL) — Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa Maanta Shaacisay, in la Maxkamadeyn doono dad Ajaanib ah oo Waddanka ku joogay si sharci-darro ah, kuwaas oo ay gacanta ku soo dhigeen Hay'adaha Ammaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir, Dr. Xaashi Cilmi Nuur - ayaa Sheegay in Sharciga la hor-keenayo Ajaanibtaan Sharci-darrada kusoo galay Soomaaliya, kuna joogay.

“Ruux walba oo sharciga ku xad-gudba, ajaanib ha ahaado ama muwaadin sharciga ayaa la hor-geynayaa. Way jiraa dad Ajaanib ah waddankan sharci-darro ku jooga oo lasoo qabtay, horayna waa u dhacday in Maxkamad la soo taago ajaanib sharci-darro uga shaqeysanayay dalka oo aan sharci u haysan, kuwaanna Waa la soo Taagayaa,” ayuu yiri Dr. Xaashi Cilmi Nuur.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa hadalkiisa ku daray in aysan hayn xilligan tiro rasmi ah oo ku saabsan ajaanibta la hayo ee sharci-darrada ku joogta Waddanka, laakiin ay ka sugayaan inay u soo gudbiyaan hay’adaha ay wada-shaqeyntu ka dhexeyso.

Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir, ayaa sheegay in uu hoos u dhac weyn ku yimid Dacwooyinkii la Xiriiray Dhulalka la isku haysto oo ahaa kuwo Muddooyinkii ugu dambeeyay Maxkamaddu qaadi jirtay.

Dhanka kale, Hadalka Dr. Xaashi Cilmi Nuur - ayaa kusoo beegmayaa, iyadoo Hoggaanka Socdaalka iyo Jinsiyadaha Soomaaliya - ay horay u sheegtay inay jiraan Dad Ajaanib ah oo dalka ka shaqeysata, kuwaasoo aan haysan Sharci ay Waddanka ku joogaan, kaddib markii ay ka dhaceen sharciyadii ay kusoo galeen.

Ugu dambeyn, Sannadkii 2015-ka, ayay ahayd markii Maxkamadda Gobolka Banaadir ay Ganaax iyo Musaafurin ku xukuntay shaqaale Ajaanib ah oo u dhashay Kenya, kuwaasoo shaqooyin aanay ruqsad u haysan ka hayay Muqdisho.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya