4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, May 28, 2016
Muqdisho iyo Gobollada kale ee Dalka oo Maanta ay Imtixaannada Dugsiyada Sare ka billowdeen


Sabti, May 28, 2016 (HOL) — Waxaa maanta si rasmi ah magaaladda muqdisho iyo qeyb ahaan gobolada dalka  uga bilowday galista imtixaanka dowladda oo laga qaado ardeyda dugsiyadda sare dhameeyay ,imtixaanaadka mideysan ee dugsiyada sare ee dalka, waxaa qaadeyso wasaaradda waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare ee Xukuumadda Somalia.

Ardayda ayaa imtixaanka ku galaya goobo ay u diyaarisay dowladda iyada oo laga shaqeeyey hannaanka ardaydu ay u galayaan imtixaannada waxaa la adkeeyay amaanka guud ahaan goobaha lagu galayo imtixaanka waxaana la dhigay ciidamo gaar ah oo ka tirsan Sirdoonka Qaranka.

Wasaaradda waxbarashada mas’uuliyiin katirsan ayaa la socon doona qaabka loo qaadayo imtixaannada iyo guud ahaan sida ay wax u dhacayaan, si hab sax ah oo nidaamsan ay u galaan ardayda imtixaankooda sidaasi waxaa yiri masuuliyiin ka tisan wasaaradda waxbarashada Hidaha iyo Tacliinta Sare.

Gobalka Hiiraan gaar ahaan magaalada Baladweyne oo fatahaaduhu qarqiyeen ayaa kaliya Ardayda ku nool aysan ku jirin imtixaankan Dowladda Soomaaliya, sida ay Wasaaraddu sheeegtay. Waxaana galay Guud ahaan Ardeyda Sannadkan dhameeyay dugsiga sare eek u nool goboladda dalka soomaaliya.

Waa sanadkii labaad ee dowladdu qabaneyso imtixaanaadka shahaadiga ah ee dugsiga sare.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya