4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 28, 2016
Cudurka Kaduudiyaha oo Ka Dillaacay Balad Xaawo

 

Sebti, Mey 28, 2016 (HOL)-Cudurka kaduudiyaha ay Soomaalidu u taqaano ayaa waxaa uu ka jiraa Balad Xaawo, Gobolka Gedo. Cudurka kaduudiyaha ayaa waxaa dhaliya fayraska Chikungunya.

Cudurkaas oo dhawaan lagu arkay qaar ka mid ah dadka kunool magaalada Balad Xaawo ayaa waxaa uu asiibaa qeybaha kala duwan ee jismiga baniaadamka gaar ahaan kala goysyada ayadoo dhib ay ku noqoto qofku inuu fariisto ama uu istaago ama uu hawlo kala duwan qabto.

Cudurkaas ayaa sidoo kale bukaanada iyo dhaqaatiirtuba sheegeen inuu leeyahay murqo xanuun iyo xibno xanuun badan.

Haatan ayaa waxaa lagu soo waramayaa in bukaano badan ay halkaas cudurkaas ugu geeriyoodeen qaar kale oo badana uu soo ritay isla markaana ay wali la il daran yihiin.

Cudurkaas ayaan loo cunin sida ay sheegeen shaqaalaha caafimaadku dawooyinka antibaayootiga maadama fayras uu dhaliyo ee bakteeriya aan laga qaadin ayadoo bukaano badan u dhinteen magaaladaa gudaheeda kadib markii ay antibaayootig u cuneen.

Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in cudurkaas sidoo kale uu ka jiro Mandheera Kenya oo ah magaalo ay Balad Xaawo daris yihiin ayagoo ah ood wadaaag.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa sidoo kale kajira Balad Xaawo cudurka Shuban Biyoodka kaasoo dad badan asiibay isla markaana weli bukaano badan oo uu soo ritay lagu dabiibaayo isbitaalada magaaladaas.

Shuban biyoodka ayaa dhaqaatiirta caafimaadku ay sheegeen inuu ka dhashay faya dhowr xumo ayadoo markii roobku da'o magaaladaa gudaheeda meelo badan biyuhu ay ceegaagsamaan.

Dhanka kale boqolaal qof ayaa waxaa asiibay cudurka daacuun caloolaha magaalada Mandheera ayadoo in badan oo bukaanadaa ah lagu dabiibayo isbitaalada iyo goobo karaantiil.

Warsame
[email protected]