4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 27, 2016
Maxkamada Sare ee QM oo Dhagaysan Doonta Dacwada Xaduuda Badda ee Soomaaliya iyo Kenya

 

Jimce, Mey 27, 2016 (HOL)-Maxkamada QM ee THE HAGUE, Netherlands, ayaa sheegtay shalay inay dhagaysan doonto dacwada kusaabsan muranka xadduuda badda ah ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

 

Dacwadaas ayaa waxaa la qaadi doonaa bisha 9aad ee sanadkaan 2016 markaas oo lagu wado in la kala caddeeyo dalka labada dal ay raaceyso qeybta laisku hayo halkaas oo uu kujiro shidaal badan oo batrool ah iyo gaas dabiici ah.

Maxkama the Hague ee dalka Holland ama Netherlands


Kenya  ayaa waxaa ay ka jawaabi doontaa cabasho kaga timid Soomaaliya oo ah inay si khaldan u sheegatay qeyb ka mid ah badda Soomaaliya; dacwada oo dhici doonta 19ka bisha Sitembar ee sanadkaan.

 

Xukuumada Muqdisho ayaa dooneysa in ay hanato baddeeda labo daraadle inta Kenya ay sheegatay ee muranku kujiro halkaas oo kheyraad badan oo dabiici ah Alle ku manneystay.

Inta laisku heysto badda ayaa dhan 100,000 km oo iskuweer ah (40,000 oo mayl oo iskuwareeg ah).

Waxaase la yaab leh ayadoo la isku heysto qeybtaa badda ah ayaa hadana xukuumada Nairobi waxay bixisay oo siisay shirkado qandaraasyo ay uga baarayaan shidaal qeybtaas badda ah.


Warsame
[email protected]