4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 27, 2016
QM oo sheegtay in aan Caddeyn dhab ah loo hayn in Argagaxisadu ay ku gabato Xeryaha Dhadhaab


Jimco, May 27, 2016 (HOL) — Qaramada Midoobay ayaa maanta sheegtay in wararkii ka oo baxay Mas’uuliyiinta Xukuumadda Kenya ee ahaa, in Xeryaha Dhadhaab ay gabaad ka dhigtaan kooxaha argagaxisada ah aysan ahayn mid xaqiiqo dhab ah loo hayo.

Mas’uuliyiinta Dalka Kenya, ayaa horay u sheegay in Xeryaha Qoxootiga Dhadhaab oo ay ku jiraan Nus-malyuun qof oo qoxooti ah, kuwaasoo intooda badan ah Somali ay Kooxaha argagaxisada ahi kasoo qaadaan duullaamada ay ka geystaan Kenya.

Balse, Madaxweynaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay - ayaa Arbacadii Xusay in wararkaas aan Caddeymo dhab ah loo hayn; kaddib Markii Xubnaha Golaha Ammaanka ee QM ay booqdeen Soomaaliya iyo Kenya toddobaadkii lasoo dhaafay.

“Wax xaqiiqo ah oo cad looma hayo in xeryaha Qoxootiga deegaanka Dhadhaab ee Kenya ay ku dhex-sugan yihiin kooxaha argagaxisada ah,” ayuu yiri Ergayga Masar ee Qaramada Midoobay, Abdellatif Aboulatta oo ka hadlayay kulan ay Goluhu ku yeesheen xaruntooda Magaalada New York ee dalka Mareykanka.

Hoggaamiyaha Xubnihii Golaha Ammaanka ee booqday dalka Kenya oo ah Ergayga dalka Masar ee QM, ayaa magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya Kulammo kala duwan kula qaatay madaxweynaha Wadanka Kenya, Uhuru Kenyatta iyo mas’uuliyiin sare oo ka tirsan Xukuumadda Kenya.

Dhanka kale, Madaxweyne ku xigeenka dalka Kenya William Ruto, ayaa Shirkii Arrimaha Bani’aadamnimada looga hadlayay ee Toddobaadkaan lagu qabtay Magaalada Istanbuul ee Waddanka Turkiga ka sheegay in Xeryaha Dhadhaab ay Khatar weyn ku yihiin Ammaanka dalka Kenya.

Sidoo kale, William Ruto ayaa Xusay in Qoxootiga Soomaaliyeed ee Xeryahaas ku jira dib loogu celinayo Waddankooda, isla markaana la xirayo xeryaha Dhadhaab, isagoo intaas ku daray in Xeryahaan laga soo Abaabulay Weerarradii lagu Qaaday Westgate Mall Sannadkii 2013-kii iyo midkii Jaamacadda Gaariso ee dhacay sannadkii lasoo dhaafay ee 2015-ka.

“Waxaanu haysannaa Xaqiiqooyin aan ku caddeynayno arrintan,” ayuu hadalkiisa ku daray Madaxweyne ku xigeenka Kenya, iyadoo Dhawaan ay Mas'uuliyiinta Kenya Shaaciyeen in ay xirayaan Xeryaha Dhadhaab.

Ugu dambeyn, Xeryaha Dhadhaab ee Kenya oo ah kuwa ugu waaweyn Caalamka oo dhan ayaa waxaa ku jira boqolaal kun oo Qoxooti Soomaaliyeed ah, kuwoas oo Qaar ka mid ah ay ku dhasheen xeryahaas kuna ilmo-dhaleen.

Maxamed X.Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya