4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 27, 2016
Madaxweynaha Mareykanka Obama oo ku tagay Hiroshima Booqasho Taariikhi ah (SAWIRRO)


Jimco, May 27, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Dalka Mareykanka Barack Obama - ayaa booqasho taariikhi ah ku tagay magaalada Hiroshima ee wadanka Japan, iyadoo Obama uu noqonayaa madaxweynihii u Horreeyay oo Mareykan ah oo booqda Goobtii ugu horreysay Caalamka ee lagu duqeeyay hubka Atoomiga, taasoo kalaafatay nolasha dad lagu qiyaasay  140,000 oo qof.

Barack Obama ayaa ubax dhigaya goob loo asteeyay in lagu xasuusto 140, 000 oo qof oo u dhintay sababo la xiriira duqeyntaasi Mareykanka ee sanadkii 1945.

Dad kale oo tiradoodu gaarayso 70, 000, ayaa lagu dilay duqeyn kale oo hubka Nuclear-ka loo adeegsaday oo saddex maalmood kaddib lagu qaaday magaalada Nagasaki.

Dhinaca kale, marka la eego Madaxweyne Obama wax raalli-gelin ah kama bixin doonno Duqeymahaasi, Wuxuuna xusay in uu rajeynayo in xusuusta Duqeymahaasi ay Dunida ka caawin doonto in mustaqbalka la yareeyo dagaal la isu adeegsada hubka Niyuukleerka.

Shacabka Wadanka Mareykanka ayaa la leeyahay waxaa ay aamisan yihiin in ay sax aheyd isticmaalka Nuclear, taasoo keentay inay Japan is-dhiibto, soona afjarto dagaalkii labaad ee Adduunka.

Ugu dambeyn, Madaxweynaha Mareykanka Barakc Obama oo xilka kasii degaya ayay dad badani aaminsan yihiin in muddadii uu soo maamulayay Dalkaasi uu Mareykanka la yimid siyaasado fur furan oo isku soo dhaweynaya Mareykanka iyo dunida inteeda kale.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya