4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 27, 2016
BELEDWEYNE: Shirkadda AMAANA oo Deeq lacageed Gaarsiisay Qoysaska Barakacay (SAWIRRO)


Jimco, May 27, 2016 (HOL) — Iyadoo uu socdo gurmad xoogan oo loo fidinayo shacabkii ku Barakacay Dagaallada iyo Fatahaadda Beledweyne, ayay Shirkadda xawaalada Amaana deeq lacageed gaarsiisay ilaa 1000 qoys oo ka mid ah Qoysaska ku dhibaateysan Dulleedka magaalada.

Xasan Ibraahim Xalane oo ah madaxa shirkadda Amaana ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegay in Tallaabadaan ay Qeyb ka tahay Kaalmo loo Fidinayo Qoysaska ka barakacay fatahaadda Webiga Shabeelle, isagoo xusay inay illaa 1000-Qoys gaarsiiyeen lacago ay nolal maaleed ka dhigtaan.

''Qoyskiiba, Waxaannu siinnay lacag Dhan $50 oo u dhiganta (1,250,000 oo shilin Somaali ah) dabcan marka la eego baahida jirta ma aha lacag badan, balse waxaan is leennahay ugu yaraan waxbey ka tari kartaa baahida markaa taagan,'' ayuu yiri Xasan Ibraahim Xalane.

Qoysaska Gargaarkan ka Faa'iideystay, ayaa u mahad-celiyay Shirkadda Amaana oo marar badan oo hore sidan oo kale uga Qayb-qaadatay u samafalka Dadweynaha ay soo wajahaan fatahaadaha iyo abaaraha.

Ugu dambeyn, Magaalada Beledweyne Waxaa ka socda dadaallo xoogan iyo is-xil-qaan ay wadaan shirkadaha kala duwan, hay'ado, ururo iskood isku taagay oo lagu samata-bixinayo dadka ay saameynta ku yeesheen fatahaadda iyo Dagaalladii Dhawaan ka dhacay Degmada Beledweyne.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya