4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 27, 2016
Hay'adda WARDI Xarumo Caafimaad ka furtay Deegaanada loo Barakacay ee Dulleedka Beledweyne


Jimco, May 27, 2016 (HOL) — Kumannaan Qoysas ah oo ka barakacay fatahaada Webiga Shabeelle ayaa xilligan daadsan deegaanka Ceel-Jaale oo ku yaalla duleedka Bari degmada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Dadkan oo u badan haween, caruur iyo waayeen, ayaa wajahaya Xaalad adag oo dhinaca nolasha ah, kaddib markii ay intooda badan iyaga oo fara-maran lafahooda kala soo bax-sadeen guryihii ay ku noolaayeen oo ay maasheeyeen daadadka ka soo rogmaday wabiga shabeelle.

Hay'adda WARDI ee ka howlgasha Koonfurta iyo Bartamaha Somalia ayaa markii ugu horeysay ka billowday deegaanka Ceel-jaale Gargaar micno badan u sameynaya qoysaska barakacayaasha, kaddib markii ay halkaa ka hergalisay xarumo caafimaad oo bixinaya dawooyin lacag la'aan ah, iyadoo dhinaca kalana ay bar bar socdaan shaqaale baaritaanno u sameynaya dadka qaba xanuunada kala duwan.

Sidoo kale, Hay'ada ayaa halkaa ka dhistay ilaa 20 musqulo ah ama Suuli oo qayb- weyn ka qaadanaya nadaafada iyo faya-dhowrka deegaanka , halka dhinaca kalana ay ka wadaan biyo dhaamin loo sameynayo qoysaska barakacay.

Xuseen Cabdi Isaaq (Xusseen Dhuuboow) oo ah madaxa hay'ada WARDI, ayaa HOL u sheegay in sababta ay halkaa uga her-galiyeen xarumaha caafimaad tahay ka hortaga cudurada inta badan ka dhasha meellaha siddan oo kale dadku ku badan yihiin, isaga oo intaa raaciyay in si gaar ah diirada u saarayaan haweenka iyo caruurta oo ah kuwa ugu sii nugul marka loo eego qeybaha kale ee bulshada.

''Runtii Shacabka dhib weyn ayaa ka soo gaaray Fatahaada, baahida jirtana weyn balaaran tahay, siddaa daraadeed annaga ka hay'ad ahaan waxaan go'aansanay bal in in si deg deg ah uga jawaabno arintan, taasoo keentay in howlaha sidan ay u kala culus yihiin u wajahno,'' ayuu yiri Xusseen Dhuuboow.

Deegaanka Ceel-Jaale, oo waqtigan hoy u ah kumanaan qoysas ah, ayaa waxaa ka soconaya dhaq-dhaqaaqyo kala duwan oo dadka lagu caawinayo, balse Tallaabada ay qaaday hay'addan ayaa la oran karaa waa jawaabtii ugu ballaarneyd ee laga bixiyo cabashada dhinaca nolasha ah oo ay qabaan qoysaska barakacayaasha ah.

Ugu danbeyntii, dhawaan waxaa magaalada Beledweyne kulan ku yeeshay guddi u Samafalka Shacabka Barakacay uu u saaray Ugaas Xasan Ugaas Khaliif iyo mas'uuliyiinta hay'adda Hormuud Foundation oo ka wadda hadlay siddii loo caawin lahaa dadka dhibaateysan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya