4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 26, 2016
SOMALILAND: Nin Rayid ah oo Berbera ku dilay Askari iyo Wariyeyaal lagu xir-xiray Degmadaas


Khamiis, May 26, 2016 (HOL) — Nin rayid ah oo lagu magacaabo Naasir Jaamac Guuleed (Deeq) ayaa maanta Toogasho ku dilay Askari ka mid ahaa ilaalada gudoomiyaha degmada Berbera oo la oran jirya, Cabdi Ismaaciil Muxumed, kaasi oo ay isku haysteen Dhul uu mid waliba dhankiisa ka sheeganayey sharci inuu u haysto.

Taliye ku xigeenka qaybta gobolka Saaxil Dayib Xandullle,  ayaa ka warbxiyey qaabka uu dilkaasi u dhacay iyo sababta keentay toogashadda.

“Allaha u raxmadee Cabdi Ismaaciil Muxumed oo ka mid ahaa ilaalada Maayarka Berbera ayuu maanta ku toogtay gacan-ku-dhiigle Naasir Jaamac Guuleed (Deeq), Ninkaas oo hore  Dacwadiisa u keenay Saldhigyada iyo Dowladda Hoose, waxaanu  ninkan dilka geystay uu ku doodayey inuu sharci u haysto dhul uu askarigaasi la dilay isna ku doodayey inuu isagu leeyahay, gacan ku dhiiglahan, ayaa xusay inuu Sharci u haysto Dhulkaas, inkastoo markii dambe sharcigaas uu ku Doodayey laga waayey Dowladda Hoose ee Magaalada Berbrea, laakiin Marxuumkan la dilay isna wuxuu haystay sharci, waxaana  ninka ku doodaya inuu dhulkaasi leeyahay u dirnay maxkamadaha inuu dacwadiisa geyo,, haseyeeshee waxa uu maanta ku toogtay magaaladda, waxaana qabanay gacan ku dhiiglihii iyo laba nin oo la socday oo mid ay walaalo ahaayeen”ayuu yidhi Taliye Ku xigeenka gobolka Saaxil Xandulle.

Dhinaca kale, illaa saddex wariye oo ka hawlgala gobolka Saaaxil, gaar ahaan magaaladda Berbera ayaa xabsiga loo taxaabay.

Wariyeyaashaan, ayaa lagu haysta inay faafiyeen Warar ka dhan ah heshiishka dhex-maray Shirkadda DP World iyo Imaaraadka Carabta, kuwaas oo ay ka soo Duubeen Xildhibaan golaha deegaanka oo ka hadlay aragtidda uu ka qabo heshiishka dhexmaray Dp World  iyo Somaliland.

Ururka saxaafadda Somaliland iyo hay’adaha u Dooda Xuquuqda Aadanaha ayaa Xadhiga Wariyeyaashan Cambaareeyay.

“Xarunta Xuquuqal Insaanku, Waxaay ugu baaqaysaa Xukuumadda Somaliland in ay Xor-riyadooda u soo celiso suxufiyiinta ku xidhan Berbera.  Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay ugu baaqaysaa dawladda Somaliland inay xorriyadooda u soo celiso sadex suxufi oo lagu xidhay magaalada Berbera. Cabdiraxmaan Maxamed Cige oo ka tirsan Somalinews TV iyo Axmed Siciid Maxamed oo ka tirsan Kalsan TV waxa la xidhay 25-kii bisha May 2016-ka, halka Mubaarig Cusmaan Siciid oo ka tirsan Star TV la xidhay 26ka May.

Sadexdan suxufi waxa la xiray kadib markii uu liis weriyayaal ah u soo gudbiyay Booliiska Duqa Berbera si loo xiro. Suxufiyiintan waxaa lagu haystaa inay tabiyeen hadalka Mudane ka Tirsan Golaha Deegaanka Berbera oo Shaki ka muujiyay Heshiis dhex-maray Dowladda Somaliland iyo shirakdda DB World. Heshiiskaasoo ku saabsanaa maamulka dekedda Ber-bera. Xildhibaanku wuxuu ka hadlay shir ka dhacay Degmada Berbera oo uu goob-joog ka ahaa madaxa shirkadda DB World. Sida ay noo sheegeen suxufiyiin, Weriyayaashii ka soo qaybgalay shirka waxa duqa Berberi ku amray inaanay baahin warka xildhibaan Saleebaan Cali Khayre. Suxufiyiintii baahiyay warka ee aan raacin amarka Waxaa Dhammaantood la Amray in lasoo xiro.” ayaa lagu yiri Warbixin kas oo baxay Hay’adda Xuquuqul Insaanka Somaliland.

Barkhad-ladiif  M. Cumar
[email protected]
Hargeysa, Somaliland