4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, May 26, 2016
DHAGEYSO: Al-shabaab oo doonaysa in Weeraro Culus ay la Beegsato Xarumo ku yaalla SOMALIA


Khamiis, May 26, 2016 (HOL) — Warar lagu kalsoon yahay oo laga helay ilo Amaan ayaa sheegaya in Al-shabaab ay Qorshayanayaan Weerraro ay ku qaadaan Xarumaha muhiimka ah ee ay Soomaaliya kaga sugan yihiin Ajanaibta, gaar ahaan xubnaha Reer Galbeedka ah.

Ilo xog-ogaal ah, ayaa sheegay inay Al-shabaab doonayaan inay weeraradan uga Aargutaan Duqeymo iyo Hawl-gallo dhacayay dhawaanahan oo Kooxda Al-Shabaab looga dilay Qaar ka mid ah Saraakiishooda.

DHAGEYSO: Warbixintan la xiriirta weerarada ay Al-shabaab Qorsheynayso: VOA

Meelaha laga casbsi-qabo inay Al-shabaab weerarradooda la beegsadaan, Waxaa ka mid ah Garoomada Diyaaradaha, Gaadiidka Hawada, xarumaha Dowladda Federaalka Somalia iyo Hoteellada ay ku sugan yihiin Ajaaniibta iyo Mas’uuliyiinta Xukuumadda Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Arrintan ayaa timid laba casho kaddib markii dowladda Maraykanka ay uga digtay muwaadiniinteeda in ay booqdaan Somalia oo ay ku jiraan Puntland iyo Somaliland, sababo la xiriira Weerarro laga yaabo inay Al-shabaab ka geysato.

XIGASHO: VOA