4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 26, 2016
Shuban Biyood ka dillaacay Balad Xaawo

 

 

Khamiis, Mey 26, 2016 (HOL)-In ka badan labaatan qof ayaa haatan lagu daaweynayaa xarumo caafimaad oo kuyaala magaalada dhacda xadka Kenya iyo Soomaaliya ee Balad Xaawo kadib markii uu soo ritay cudurka shuban biyoodka.

 

Badi dadkaasi waxay yihiin carruur ka yar da'da shan sano jirka.

 

Dhaqaatiirta ayaa la xiriirshay faafitaanka shuban biyoodka magaaladaa kajira faya dhowr xumo ama nadaafad darro ayadoo biyaha roobku ay ceegaagsamaan meelo badan oo magaaladaa dhexdeeda ah.

Tan iyo markii uu shubanku bilowday oo ahayd horraantii bishaan Mey ayaa waxaa lagu daweeyay isbitaalada Balad Xaawo dad tiradoodu kor u dhaaftay 200 oo qof oo shuban biyoodku asiibay.

Bukaanadaa boqol in ka badan ayaa ahaa carruur da'da 5 sano jirka ka yar.

Warsame
[email protected]