4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, May 26, 2016
Diyaaradii Egypt Air oo loo Badinaayo in ay u Dhacday Hawada oo Xumeyd Darteed

 

Waxyaabo la helay oo kujiray waxyaabihii ay siteen dadka rakaabka ah ee diyaaradii burburtay ee EgyptAir


 

Khamiis, Mey 26, 2016 (HOL)-Ciidamada dambi baarista Masar ayaa meesha ka saaray in diyaaradii dhawaan burburtay ee dalkaa ee Egypt Air lasoo riday.

 

Walow ay jireen warar hore oo laisla dhexmarayay oo sheegayay in argagaxiso laga yaabo inay soo rideen diyaaradaa ayaa hada waxaa ciidamada dambi baarista ee Masar ay u badinaayaan in hawada oo xumeyd darteed diyaaradaasi u soo dhacday una burburtay.

 

Meydadkii rakaabkii lasocday diyaaradaa ayaan midna la helin wali walow lasoo helay qaar ka mid ah alaabadii rakaabka diyaaradaasi ay siteen. Alaabadaa ayaa waxaa kujira 23 boorso.

 

Baarayaal ka socdo dalka Faransiiska oo ka qeyb qaadanaya baaritaanka lagu hayo dhacdadaa ayaa sheegay in wali ay xilli hore tahay islamarkaana aysan suurtogal ahayn in la ogaado wixii ku dhacay diyaaradaa ka hor intii aysan burburin.

 

Diyaaradaa ayaa waxay sidday 66 qof oo isugu jiray 56 rakaab ahaa iyo 10 shaqaalaha iyo duuliyeyaasha diyaarada ahaa kuwaasoo haatan loo badinaayo in dhammaantood ay geeriyoodeen.

 

Warsame
[email protected]