4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 30, 2016
Madaxweyne Xasan oo Maanta Xarigga ka jaray xarun agoon oo ay dayactirtay Dowladda Jabuuti

Khamiis, Juun 30, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud oo ay wehliso Marwada 1-aad, Qamar Cali Cumar, ayaa furay Maanta Xarunta Xanaanada Gabdhaha Agoonta ah ee Degmada Boondheere oo dib u habeyn lagu sameeyay.

Xaruntaan oo Adeegyo isugu jira Hoy, Waxbarasho iyo Daryeel kaleba loogu fidiyo in ka badan 300 oo arday, ayaa waxaa dayactirkiisa iyo dib u dhiskiisa Maal-gelisay safaaradda Jamhuuriyadda Jabuuti ay ku leedahay Muqdisho.

Madaxweyne Xasan oo hadal ka jeediyay xafladdii furitaanka xarunta ayaa sheegay in qof walba oo Somali ah oo u istaaga inuu Wax-san qabto uu Riyadiisa ka dhabeyn karo, isagoo u mahad-celiyay Maamulka Xaruntaan oo uu xusay inay qabteen hawl ku dayasho mudan.

“Agoontaan Soomaaliyeed ee xaruntan ku jirta waxay waayeen Waalidkood, mana ahan in ay waayaan Daryeelka ay u baahnaayeen. Waxaana ku baaqayaa in xeradaan lagu soo daro agoonta kale ee Gabdhaha ah ee weli dar-xumadu ay hayso. Shakhsiyanna Waxaan ballan-qaadayaa inaan ka mid noqdo kuwa kafaala qaadaya nolosha gabdhaha Agoonta ah. Waana u mahad-celinayaa maamulka Gobolka Banaadir oo Go’aansaday inuu baahiyaha Carruurta ku jirta xeradaan kafaalo qaado,’’ ayuu yiri Madaxweynaha Somalia.

Sidoo kale, Madaxweynaha ayaa sheegay in jiritaanka Xarumahaan Agoomaha ay fariin u yihiin Dhammaan Soomaalida, si ay u Joojiyaan Colaadda iyo Dilka Micno-darrada ah ee horseeday in kumannaan Carruur ah ay Waalidkood ku waayaan.

“Waxaad ku tashataan inaad heli doontaan dhammaan waxyaabaha ay helaan caruurta kale ee Waalidiintood nool yihiin. Ilaahay ayaa ka Abaal-marinaya kuwa sida Xaq-darrada ah u Agoonteynaya Carruurta Soomaaliyeed oo sida halkaan ka muuqata aan xakameyn weynay dareenkeenna, qiirana ay ina wada-gashay; innagoo la murugooneyna Gabdhahaan yar-yar ee Agoonta ah. Qof walba oo Somali ah - Haka Fikiro in uu Nabad-dhaliyo, kana shaqeeyo horumarrada Waddankeenna,’’ ayuu hadalkiisa ku daray Madaxweyne Xasan Sheekh.

Dhanka kale, Madaxweynaha Somalia ayaa ku eedeeyay Al-shabaab in ay doonayaan weli inay shacabka dhibaateeyaan, iyagoo maanta qarax miino ku dilay dad rayid ah oo marayay waddada isku-xirta Muqdisho iyo Afgooye.

“Waxaan ku jirnaa Tobanka dambe ee bisha Ramadaan. Sidaad la Socotaana Shacabkeena intiisa badan waxay ku mashquulsan yihiin cibaadada Rabbi iyo inay ALLE Dambi-dhaaf weydiistaan. Waxaana Muqdisho iyo Gobollada Dalka ka socda hawl-galo ay xilliga Saqda dhexe ah sameynayaan ciidankeena oo doonaya inay sugaan amniga shacabkeena. Hawsha ay ciidankan wadaan waxay la mid tahay tahajud ama cibaado EEBBE loogu dhawaanayo. Sidaas darteed - Waa in laga xishoodaa in wax laga sheego Ciidamada Duruufahaas Adag ku shaqeynaya,’’ ayuu hadalkiisa ku daray.

Ugu dambeyntii, Xafladdan ayaa waxaa ka hadlay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, ahna Duqa Muqdisho, Yuusuf Xuseen Jimcaale, Danjiraha Jabuuti ee Soomaaliya, Dubad Dayib Roble iyo Nuurto Maxamed Jaamac oo ah Maamulaha Xaruntan lagu Xanaaneeyo agoonta Gabdhaha ah ee Degmada Boondheere.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya