4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 30, 2016
Golaha Wasiirrada oo Guddi u Saaray Sharciga JINSIGA oo ay culummadu dhaliishay (SAWIRO)


Khamiis, Juun 30, 2016 (HOL) — Golaha Wasiirada Somalia, ayaa kulan ay maanta isugu yimaadeen uga dooday Sharciga Gender-ka ama Jinsiga oo dhawaan ay Culumada Somalia qaarkood u soo jeediyeen qodobbo ka mid ah dhaliil adag.

RW Xukuumadda FS, Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke, ayaa soo dhaweeyay Culumadii sheegayna in Golaha Wasiirrada oo dhamaantood muslimiin ah aysan diinta gef ku sameyn karin, sidoo kalena Wuxuu xusay in Culummada iyo Dowladda ay muhiim tahay in ay iska arkaan arrimahan oo kale ka hor inta aysan gaarin Saxaafadda.

Sidoo kale, RW-ha, ayaa sheegay in si wanaagsan loo dhageysan doono baaqa Culummada Soomaaliyeed, lana ogaan doono qaladaadka ay sharcigan ku arkeen. Isagoo intaa ku daray in meel-marinta xeerka jinsiga ka hor la hubiyay inaysan ku jirin qodobbo ka hor-imaanaya shareecada Islaamka iyo qaanuunka dalka u yaalla.

Intaa kaddib, Golaha Wasiirrada Somalia, ayaa Guddi u saarey Arrintaan la xiriirta Buugga Jinsiga [Gender-k] ee Walaaca ay ka muujiyeen Culummada Soomaaliyeed qaar ka mid ah, Waxayna Guddigan ka wada-shaqayn doonaan in la isla eego guud ahaan qodobbada uu ka kooban yahay Buuggan si meesha looga saaro wax walba oo walaac keeni kara.

Ugu dambeyntii, Guddoomiyaha Hay'adda Culummada Soomaaliyeed, Sh. Bashiir Axmed Salaad ayaa Xukuumada uga mahaceliyay fursada ay u siiyeen inay golaha hor-yimaadaan, isagoo tilmaamay in Xukuumadda ay isku raaceen in Diinta Islaamka la wada-ilaaliyo, Isla markaana ay si aad ah uga xun yihiin sida loo fasirtay bayaankii ay soo saareen maalmo ka hor.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya