4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 30, 2016
Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo Tababar u furay Ciidammo ka mid Noqonaya BOOLIISKA


Khamiis, Juun 30, 2016 (HOL) — Madaxweyne ku xigeenka Galmudug, Maxamed Xaashi Cabdi [Carrabeey] ayaa Maanta tababar u furay Ciidammo Booliis ah oo Cusub, kuwaas oo tiradoodu tahay 400 - oo 60 ka mid ah ay yihiin gabdho.

Guddoomiyaha degmada Cadaado, C/llaahi C/raxmaan - oo hadal ka jeediyay goobta ayaa xusay in maamulkoodu uu xil gaar ah iska saaray sidii ay qaybtood uga qaadan lahaayeen dhismaha ciidmada maamulka Galmudug iyo sidii ay Shacabku Maamulka Galmudug ula shaqeyn lahaayeen.

Taliyaha Tababarada iyo Qorsheynta Booliiska Somalia, Jen. Dhoore oo isna ka jeediyay furitaanka tababarkan wuxuuna xusy in Dowladda Federaalka ay u taagan tahay dhisidda Booliiska Somalia, dhamman deegaannada dalka ee ay ka taliyaan maamul-goboleedyadana la gaarsiin doono ololahan.

Sidoo kale, Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Carrabeey, ayaa isna ka hadlay goobta, wuxuuna bogaadiyay sida Dhalinyaradaan Tababarka loo furay ay u doorteen inay booliiska ka mid noqdaan isla markaan ay bulshada u adeegaan.

Mudane Carrabey, ayaa intaas ku daray in ciidamdan ay ka koobnaan doona kuwa ilaalada Canshuuraha, Waddooyinka iyo kuwa Birmadka ee sida deg-dega h u hawl-gala. Wuxuuna ciidamadan tababarka loo furay ku boorriyay inay si ay daacadnimo ku jirto ugu adeegaan bulshadood.

“Runtii farxad ayay maamul-goboleedka Galmudug u tahay in ciidanka loo furayo maanta Tababarka ay ku jiraan 60-gabdhood oo dhallinyaro ah, oo si iskood ah u doortay in ay ku biiraan booliiska, una shaqeeyaan dadka,” ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Galmudug.

Dhanka kale, Ciidankan Cusub ee tababarka loo furay ayaa lagu war-geliyay in Askarigii Anshaxa Nidaamka Ciidamada aqoonta ku Wanaagsanaada si gaar ah loo dalacsiin doono marka uu tababarku soo xirmayo.

Ugu dambeyntii, Waxaa tabarka si rasmi ah u furay madaxweyne ku xigeenka Galmudug, Maxamed Xaashi Cabdi [Carrabeey] - Inkastoo aan la sheegin Muddada uu Socon doono Tababarkan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya