4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 30, 2016
Madaxweynaha Somalia oo mar kale Magacaabay Guddiga Heer Federaal ee Doorashada 2016-ka


Khamiis, Juun 30, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud, ayaa Xeer uu soo saaray ku Magacaabey Guddiga Doorashooyinka Dadban ee Heer Federaal oo dib u habeyn kooban lagu sameeyay xubnihiisa.

Guddigaan, ayaa wuxuu ka kooban yahay 22 xubnood oo Magacyadooda ay hoos ku xusan yihiin:

01. Cumar Maxamed Cabdulle
02. Mustaqiim Wayd
03. Maxamed Kaynaan
04. Saciid Jaamac Cali (Qoorsheel)
05. Nafisa Geeddi Santuur
06. Maxamed Cali Diiriye
07. Cabdiraxmaan Sheekh Mucaawiye
08. Deeqa Yaasiin Xaaji Yuusuf
09. Saciido Maxamed Musciid
10. Aweys Abuukar Sokorow
11. Sahra Cabdi Xuseen Jaamac
12. Burhaan Cilmi Xirsi
13. Cabdicasiis Sheekh Xuseen Dayib
14. Cabdulllaahi Cali Aadan Garoon
15. Salaad Cali Ibraahim Catoos
16. Aadan Cabdinaasir Maxamed
17. Cabdullaahi Salaad Yarow
18. Yaasiin Cabdi Jaamac
19. Axmed Maxamed Saciid
20. Fardowsa Maxamed Ducaale
21. Aamina Cabdullaahi Dheeroow
22. Raaxo Maxamed Janaqow

Dhanka kale, Waxaa qoraalka lagu sheegay in la baabi’iyay xeer kasta oo kan ka horreeyay kana hor-imaanaya Magacaabidda cusub ee Guddigan Heerka Federaal ee Doorashooyinka Somalia ee Sannadkan.

Ugu dambeyn, Guddigaan waxaa hawshiisu noqon doontaa dejinta qorshe hirgelin oo faah-faahsan, Jadwalka Doorashada iyo inuu ku dhawaaqo Taariikhda ay Doorashooyinka 2016-ka dhacayaan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya