4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 30, 2016
Qarax Dilay Dad badan ah oo Maanta ka Dhacay Jidka isku xira Muqdisho & Afgooye (SAWIRRO)


Khamiis, Juun 30, 2016 (HOL) — Inta la og-yahay 18-ruux ayaa ku dhintay, Lix Ruux oo kalena way ku dhaawacmeen, qarax miino oo gaari Dadweyne waday lagula eegtay inta u dhaxeysa deegaannada Lafoole iyo Xaawo Cabdi oo ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Qaraxan, ayaa noociisu wuxuu ahaa miinooyinka waddada dhinaceeda lagu aaso, iyagoo la sheegay in gaarig uu gabi ahantiis bas-beelay Dadweynihii uu wadayna ay noqdeen kuwo dhintay iyo kuwo dhaawacmay.

Sidoo kale, Wararka ayaa sheegaya in shacabka Gaarigan saarnaa ay ahaayeen ganacsatada khudaarta kasoo qaada Afgooye ee Muqdisho si ay Muqidsho ugu iibsdaan.

“Inta badan Dadkii saarnaa gaariga way dhinteen, qaarkoodna dhaawacyo ayaa soo gaaray, ayuu C/qaadir Maxamed oo ah Askari ka tirsan ciidanka booliiska Soomaaliya.

Goob-jooge lagu Magacaabo, Nuur Axmad ayaa isagana laga soo Xirtay in in Gaarigaan ay daba-socdeen ciidammo gaari kale ilaalinayay, balse Qaraxa uu si lama filaan ah u haleelay gaarigan dadweynaha waday.

Dhaawacyadii Shilkaan, ayaa lasoo gaarsiiyay Isbitaalka Madiino ee Muqdisho waxaana la sheegay in dhaawacyada dadkan ay qabaan ay yihiin kuwo aad u culus.

Ugu dambeyntii, M jiraan Faahfaahinno Dheeraad ah oo illaa hadda ka bixiyeen maamulka Gobolka Shabeellada Hoose qaraxan Gaariga shacabka waday ku haleelay inta u dhexeysa deegaannada Lafoole iyo Xaawo Cabdi.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya