4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Jun 30, 2016
Al-shabaab Waxay Qorshaynaysaa inay Weerarto Ciidamadeena ku Sugan Soomaaliya: AFRICOM


Khamiis, Juun 30, 2016 (HOL) — Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ku sugn ayaa baahiyay in Al-shabaab ay qorsheynayso inay weerarto ciidanka Mareykanka ah ku sugan Soomaaliya, iyagoo Taas ka dhigaya Aargudasho ka dhalatay Duqeymaha ay Diyaaradaha Mareykanku ku hayaan Goobaha ay ka taliso Al-shabaab.

Warbixin uu talisku soo saaray ayaa lagu xusay in duqeymaha Mareykanku uu ku hayo Al-shabaab ay sababeen in saraakiil badan oo kooxda muhiim u ahaa in la dilay, kuwaasoo uu ku jiro hogaamiyahoodii hore Axmed Godane.

“Qorshahan wuxuu ka dhashay natiijadii duqeymaha diyaaradaha Drones-ka Mareykanka, waxayna kooxdu isku dayaysaa inay weerar dhaqso ah ku qaaddo ciidamadeenna Somalia ku sugan,” ayaa War-saxaafadeedka lagu yiri.

Sidoo kale, Africom ayaa sheegay in gudaha Somalia ay ku sugan yihiin illaa 50-askari oo Mareykan ah, kuwaasoo Ciidanka Dowladda Somalia kuwa kale ee AMISOM ka caawiya dagaallada ay kula jiraan Al-shabaab.

Taliska ciidamada Mareykanka ee Afrika ku sugan, ma uusan sheegin xilliga uu ku aaddan weerarka iyo goobaha la weerarayo, balse digniintan ayaa ku soo beegmays xilli dhawaan uu Mareykanku uga digay Muwaaddiniintiis in ay u Booqdaan Soomaaliya oo ay ku jiraan Puntland iyo Somaliland.

Ugu dambeyntii, Ciidamada Mareykanka ee ku sugan Soomaaliya, ayaa waxay dhawr jeer Qayb ka qaateen Weerarro ka dhan ah Al-shabaab, kuwaas oo midkii ugu dambeeyay lagu dilay 01-dii bishan Juun, Sheekh Maxamed Dul-yadeeyn oo ka tirsanaa Hoggaamiyeyaasha Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya