4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 30, 2016
Giniga Ingiriiska oo ka soo Kabanaya hoos u dhicii ku yimid


Khamiis, Juun 30, 2016 (HOL)-Doolarka ayaa waxoogaa hoos u dhacay qaarada Asia maanta oo Khamiis ah marka loo eego lacagaha qalaad ee kale sida Euro iyo Giniga Ingiriiska ayadoo dhawaan uu sare u kacay markii dadka Ingiriisku go'aansadeen in dalkoodu ka baxo Midowga Yurub.

Isniintii lasoo dhaafay ayaa uu aad sare ugu kacay kadib markii giniga Ingiriisku gaaray meel hoose oo 31dii sano ee lasoo dhaafay uusan gaarin.

Arintaa ayaa kutimid kadib markii aftidii dhawaan laga qaaday dadka Ingiriiska ay aad u saamaysay suuqyada caalamka meelo badan.

."Laakiin maalgashadeyaashu waxay rajeynayaan in wixii ugu xumaa uu dhammaaday marka laga hadlaayo lacagaha wixii loo gaaro Jimcahana farqiyada ladabooli doono," Kathy Lien, oo ah maareeyaha istaraatiijiyadaha sarifka lacagaha qalaad ee shirkada BK Asset Management ayaa sidaa sheegtay.

Jahwareerka dhanka dhaqaalaha aha ayaa si kastaba ha ahaatee sii socda waxoogaa maadaama axsaabta siyaasada ee mucaaradka ee Ingiriiska lagu wado inay ku dagaalamaan hoggaanka dalkaa.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]