4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 30, 2016
Taariikh Nololeedkii Fuaad Amiin oo Ku Dhintay Weerarkii Hoteel Naasa Hablood


Khamiis, Juun 30, 2016 (HOL)-Fuaad Amiin ayaa ahaa wiil Soomaaliyeed oo da' yar isla markaana ahaa aqoon yahan. Fuaad Amiin wuxuu ku dhashay isla markaana haystay dhalashada dalka Imaaraadka Carabta (UAE).

Fuaad wuxuu ku takhasusay arimaha xisaabaadka iyo maaliyada asagoo ka qalin jabiyay jaamacada caalamiga ah ee Mareykanka ee magaalada Sharjah ee dalkaasi Imaaraadka.

Si kasta ha ahaatee wuxuu aad u jeclaa inuu dalka Soomaaliya oo ah dalkiisa hooyo inuu wax u qabto isla markaana uu horumariyo.

Wararku waxay sheegayaan inuu shaqo aad u wanaagsan oo bangi weyn oo Imaaraadka ku yaala uu  ka haayay uu dhawaan isaga tagay si mashruuc soolar ah uu uga hirgaliyo gudaha Soomaaliya.

Sidoo kale wuxuu mashaariic kale la waday dawlada Soomaaliya gaar ahaan Wasaarada Maaliyada ee Soomaaliya.

Wuxuu kaloo aad ula xiriiri jiray in dhawaale ganacsatada iyo hayadaha waaweyn si Soomaaliya maal gashi aad ah loogu sameeyo.

Fuaad wuxuu ka mid ahaa dhowr iyo toban qof oo lagu dilay weerarkii dhawaan lagu qaaday Hooteel Naasa Hablood.

'Waligay waan xasuusnaan doonaa sidii uu iigu wanaag samayn jiray. Weligii iguma caasin', hooyadii ayaa sidaa tiri.

Walaashii oo lagu magacaabo Sahra ayaa ku dhiiriday Soomaalida inay dalkooda hooyo sii wadaan horumarintiisa ayadoo sheegtay in qaddar ay u timid walaalkeed.

'Markii waqtigaagu dhammaado geeridu way ku haleeleysaa meel kasta oo aad joogto'. Sidaa ayay tiri.

Allah ya raxmah.