4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 29, 2016
Sawiro: Dowladda Jabuuti oo Dawo ugu Deeqday Bukaanada uu soo Ritay Shuban-biyoodka


Arbaco, Juun 29, 2016 (HOL) — Saraakiisha Ciidamada Jabuuti ee ku Sugan Magaalada Beledweyne, ayaa deeq dawo ah oo loogu tala-galay in lagula tacaalo dadka uu soo ritay cudurka shuban biyood ku wareejiyay mas'uuliyiinta maamulka heer gobol iyo degmo.

Col. Xasan Jamac oo ah taliyaha ciidamada Jabuuti ee gobolka Hiiraan ayaa sheegay in gargaarkan dawada ah ee ka timid dowladda Jabuuti loogu tala-gallay wax looga qabto xaalada caafimaad bukaanada uu soo ritay cudurka shubanka oo intooda badan la dhigay isbitaalka guud ee magaalada Beledweyne,

''Waxaan ku deeqnay 100-kortoon ee faleebooyin ah oo aan ugu tala-galnay Beledweyne, 50 kartoon oo dawada lagula Tacaalo Shubanka ah oo aan ugu Deeqnay Degmada Buula-burte, iyo 20 kortoon aan dhignay xerada ciidammada si markiiba deg deg wax looga qabto Haddii Cudurkaan uu soo rito Ddka Barakacayaasha ee ku Dhaqan Deegaannada ku dhaw dhaw xeryaha ay degan yihiin ciidamada'' ayuu yiri Col Xassan Jamac.

Mas'uuliyiinta Maamulka Gbolka Hiiraan, ayaa si weyn uga mahad celiyay Gargaarkaan Daawada ee ka timid Dwladda Jabuuti, iyaga oo sheegay in lagu soo beegay Waqti baahi weyn oo caafimaad loo qabay.

Ugu dambeyn, Boqollaal ruux uu soo ritay cudurka shubanka ayaa la dhigay maalmihii ugu dambeeyay isbitaalka magaalada Beledweyne, kuwaa oo qaar ka mid ah ay u geeriyoodeen cudurka.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya