4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 29, 2016
SAWIRO: Madaxweynaha Somalia oo Daah-furay Barnaamijka Qorshaha Horumarinta Qaranka

Arbaco, Juun 29, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud - ayaa Maanta Furay Barnaamijka Qorshaha Horumarinta Qaranka - (National Development Plan), kaasoo noqonayaa kii ugu horreeyay ee ay Somalia yeelato muddo haatan laga joogo 30 sanno.

“Waa maalin taariikhi ah inaan maanta daah-furno barnaamijkan muhiimka ah. Tani waxay muujineysaa in dowladnimadeena ay xoogsaneyso. Dalna ma shaqeyn karo haddii uusan lahayn qorshe cad oo qeexaya hawlaha uu qabanayo. Sidaad la socotaan xilligiii ay dowladdan xafiiska timid waxaa mar walba ka go’nayd inay sameyso qorshe lagu hawlgalo, inagoo ka bilowney miisaaniyaad ku meel gaar ah oo aan dejinay dhammaadkii sannadkii 2012-ka,’’ ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in dukumentigan kooban uu yahay dhaxal loogu talo-galey Jiilka hadda jooga iyo kuwa soo socda, sidaa awgeed loo baahan yahay in wax walba oo ku jira si taxaddar leh loo fuliyo.

“Somalia baahiyo badan ayay leedahay oo ay tahay inay buuxiso. Waxaana ka mid ah; Kaabeyaasheena dhaqaalaha iyo adeegyada kale oo dhan, kuwaa oo loo loo baahan yahay in si hufan loo dhiso. Barnaamijkaan waxaa lagu jaangooyay baahida maanta ee jirta, waxaana lagu beegay waqtigii ugu habboonaa. Si tartiib tartiib ah ayaan ula jaanqaadi doona hadba sida ay baahiyada u kala muhiimsan yihiin,’’ ayuu ku daray hadalkiis.

Dhanka kale, Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sheegay in si barnaamijkan uu dhaqangal u noqdo loo baahan yahay in la helo hannaan lagu qiimeeyo qorshaha ku xusan, isla markaana lala yimaado isla xisaabtan iyo isa sixid.

Qorshaha Horumarinta Qaranka oo socon doona muddo saddexda sanno ah, ayaa waxaa soo diyaarisay Wasaaradda Qorsheynta, Waxaana arrimaha ugu waaweyn ee uu diirada saarayo ka mid ah dhimista fakhriga, dib u habeynta Kaabeyaasha Dhaqaalaha, Tayeynta Hay’adaha Dwliga, Hirg-elinta Nidaam siyaasadeed loo dhan yahay xoojinta sharciga, garsoorka iyo amniga.

Ugu dambeyn, Munaasabadda Waxaa khudbado ka jeediyay Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka, Maxamed Cusmaan Jawaari, RW Cumar C/rashiid Cali Sharma’arke iyo Wasiirka Qorsheynta Qaranka, C/raxmaan Sh. Yuusuf Cali [Caynte].

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya