4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 29, 2016
Baladweyne: Xukuumadda Cummaan oo Deeq u Qaybisay Qoysas oo Dan-yar ah (DAAWO Video)


Arbaco, Juun 29, 2016 (HOL) — Dowlada Oman ayaa markii ugu Horreysay Deeqdii ugu ballaarneyd soo Gaarsiisay Qoysaskii ay Sameynta ku yeesheen Fatahaadihii ku Dhufatay magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Qaybinta deeqdan oo qaadatay Saddex cisho ah ayaa waxaa lagu tilmaami karaa gargaarkii ugu balaarnaa oo waayadii ugu danbeeyay la soo gaarsiiyo dadka danyarta ah ee ku dhaqan Beledweyne, Waxaana ka faa'iideystay 2000 oo Qoys, kuwaasoo ka koobnaa Qaybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan afarta xaafadood oo ay magaalada ka kooban tahay.

Sidoo kale, Qayb ka mid ah Gargaarkaan - ayaa loogu Deeqay Bukaannada iyo Shaqaalaha isbitaalka Guud ee Magaalada Beledweyne iyo Sidoo kala Xarunta Agoonta Ugaas Khaliif.

Sultanate Oman, ayaa deeqdan u soo wakiilada qaar ka mid ah ganacsatada magaalada oo siweyn uga mahad celiyay gargaarkan oo marka tayo ahaan la eego muhiimad gaar ah ugu fadhiya qoysaska la gaarsiiyay.

Dhinaca kale, Muddadii qeybta gargaarka lagu gudajiray waxaa shaqo abuur ka helay qaar ka mid ah gadiidleyda gaar ahaan degmada [gaari-dameerka] kuwaasoo qoysaska raashinka helay u geynayay hadba halkii ay doonaan.

Ugu danbeyntii, maalmihii ugu danbeeyayba magaalada Beledweyne Waxaa ka Soconayay Qaybinta Gargaar kala duwan oo ay ku Deeqeen, Dowladaha Carabta Qaarkood, Hay'addo, ururo isku tagay iyo dad muxusiin ah oo kala jooga daafaha Dunida.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya