4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 29, 2016
Madaxweynaha Somalia oo si adag u Cambaareeyay Weerarkii Garoonka Diyaaradaha Istanbuul


Arbaco, Juun 29, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Cambaareeyay Weerakii argagixiso ee lala beegsaday Garoonka Diyaaradaha ATA-TURK ee Magaalada Istanbuul ee Waddanka Turkiga.

War-saxaafadeed uu madaxweynuhu kasoo saaray Xafiiska ayaa lagu xusay in weerarkaas uu ahaa mid Wuxuushnimo ah, Waxaa lagu tilmaamay in ujeedka weerarkaas argagixisada ka leedahay ay tahay in dadka maatida lagu laayo.

Sidoo kale, Madaxweynaha Somalia, ayaa ugu baaqay Beesha caalamka inay meel uga soo wada-jeestaan Dagaallada lagula jiro Argagixisada oo Caadeystay Daadinta Dhiigga dadka aan waxba galabsan.

Madaxweyne Xasan ayaa Tacsi u diray Mas’uuliyiinta Xukuumadd iyo Dadkii ehelladooda ku Waayay Weerarka Garoonka Diyaaradah ee Istanbuul, Sidoo kalena wuxuu EEBBE uga baryay inuu caafimaad dadkii ku dhaawacmay.

“Waxaan Tacsi u dirayaa Mas’uuliyiinta dowladda Turkiga iyo dadkii ehelkooda ku wayay weerarka kooxaha Argagixisada ay ku Qaadeen Garoonka Diyaaradaha Istanbul,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Ugu dambeyn, Weerarkii lagu qaaday Garoonka Diyaaradaha Ataturk ee Istanbul, Turkiga ayaa Waxaa ku Geeriyoody 36-ruux dad ka badan, iyadoo ay ku dhaawacmeen in ka badan 160-qof.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya