4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 29, 2016
Soomaaliya uma baahna Hoggaamiye Waqti kale ka Dhumiya: Dr. Cali Xaaji Warsame (VIDEO)


Arbaco, Juun 29, 2016 (HOL) — Wasiirkii hore ee waxbarashada Puntlnd, Dr. Cali Xaaji Warsame oo ah Musharrax u taagan xilka Madaxnimo ee Somalia, ayaa xusay in madaxda Somalia ay si weyn uga fakraan Doorashooyinka ka dhici doona dalka Sannadkan lagu jiro  ee 2016-ka.

Cali Xaaji ayaa guul ku Tilmaamay Qodobadiii ka so baxay shirkii Madasha ee Baydhabo lagu soo Gunaanaday, isagoo Xusay in Shacabka Soomaaliyeed aysan u baahnayn Madax dantooda keliya ka shaqeeya,oo aanan ka fakarin danaha Ummada Soomaaliyeed.

Sidoo kale, Dr. Cali Xaaji ayaa Tilmaamay in Soomaaliya ay u baahan-tahay Xildhibaanno Meteli kara Deegaanada ay kasoo jeedan, Wuxuuna ka digay in la hor-istaago odyaasha iyo siyaasiinta hore ee Somalia ee doonaya inay ka mid noqdaan Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

DAAWO: Wareysi Muuqaal ah oo - Dr. Cali Xaaji uu kaga Warramayo Arrintaan;

Dhinaca kale, Murashaxa ayaa xusay inuu Aaminsan yahay in Doorashadda Soomaaliya ay Waqtigeeda dhici-karto - Haddii si Wadajir ah looga shaqeeyo Hannaanka Doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Soomaaliya.

Ugu dambeyntii, Cali Xaaji ayaa sheegay in Somalia aysan u baahnayn syaasi waqti badan ka dhumiya oo jeebkii la ciyaara ah, isagoona intaas ku daray in Somalia ay u baahan tahay Hoggaan ka samatabixiya siyaasadda Wareersan ee ka jirta.

Abaadir C/qaadir Cilmi, Hiiraan Online
E-mail:
[email protected]
Garoowe, Puntland, Soomaaliya