4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 29, 2016
Madaxweyne Geelle oo ku Niyad-san Horumarka Dhaqaale ee uu Waddankiisu ku Tallaabsanayo


Arbaco, Juun 29, 2016 (HOL) — Madaxweynaha Dalka Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa Isniintii Todobaadkan sheegay in Dhaqaalaha Dalkiisa uu sare u kacay 6% Sanadkan, uuna rajeynayo in sannadaha soo socda uu intaas kasii kordho.

Geelle ayaa hadalkan ka sheegay munaasabaddii xuska 39-sano guuradii ka soo wareegtay Xorriyadda Jabuuti oo ku beegnayd 27-kii bishan Juun, Wuxuuna ku booriyay Shacabkiisa inay qaybtooda ka qaataan horumarka Jabuuti.

“Kororkan dhaqaale kuma koobnaan doono hal meel oo keliya, ama loosoo laguma ekeyn doono meel qura,” ayuu yiri Geelle. Isagoo mar kale yiri. “Xukuumada ayay mas’uuliyadi ka saaran tahay inay xaqiijiso horumarrada ka jir dalka, si qof walba oo reer Jabuuti ah uu uga faa’iido Hormarkaan, Gaar ahaan Dhinacyada Caafimaadka, Waxbarashada, guriyeynta iyo dhammaan waxyaabaha ay bulshadeennu u baahan tahay.”

Sidoo kale, Geelle ayaa xusy in xukuumaddiisu ay wadi doono sidii ay dalkeeda u gaarsiin lahayd horumr, isla markaana ay gaarsiin doonaan Gabi ahaan mashaariicda Horumarineed Gobollada Jabuuti oo dhan.

“Waxaan - Sidoo kale kordhinaynaa Tababarrida dhallinyardeenna si ay shaqo la’aanta iyo Faqriga ug baxaan,” ayuu intaas ku daray Madaxweyne Geelle oo Madaxweynaha Jabuuti loo doortay mar kale horraantii Sannadkan lagu jiro ee 2016-ka.

Dalka Jabuuti oo uu horay u gummeysn jiray Faransiiska ayaa shacabkeedu waxay ka yar yihiin Hal Milyan oo Ruux, Waxayna Xorriyaddooda ka Qaateen Faransiiska 27-kii Juun, 1977-kii.

Jabuuti ayaa waxay ka mid tahay waddamada ugu muhiimsan ee isku xira kannaalka Suez, Badda Cas iyo Badweynta Hindiya. Iyadoo Sannad walba ay sii maraan Dekedaha Jabuuti illaa 20,000 oo markab oo Caalamka isaga kala gooshaya.

Ugu dambeyn, tiiWaddanka Jabuuti oo ah mid aad u yar ku leh saldhigyo dalal kala duwan oo uu ku jiro Waddanka France oo horay u gumeystay, Waxaana uu ka helaa Waddankaas saldhigyada ciidan ee ku yaalla dhaqaale kor u dhaafaya 100 Milyan oo Euro oo u dhiganta 111 Milyan oo Doollar.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya