4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 29, 2016
SHEEKH BASHIIR: Sharciga JINSIGA Qodobbo toos ISLAAMKA uga Hor-imaanaya ayaa ku jira


Arbaco, Juun 29, 2016 (HOL) — Hoggaanka sare ee Hay’adda Culummada Soomaaliyeed, ayaa kasoo horjeestay Sharciga Siyaasadda Qaran ee Jinsiga ama Gender, iyagoo Sheegay inay qoraalka sharcigaan ku arkeen qodobo badan oo kasoo horjeeda shareecada Islaamka.

Sharcigan ayaa waxaa bishii hore Meel-marisay Dowladd Somalia, waxaana culumadu ay sheegeen in sharcigan uu dalbanayo inay meel-mariso dhammaan Xuquuqaadka haweenka.

“Markaan akhrinnay buugga sharciga Jinsiga - Waxaanu ku aragnay qodobbo badan oo si toos ah uga hor-imaanaya Shareecada Islaamka, Kuwaas oo ay ka mid yihiin; da’da qaan-gaarka iyo guurka oo lagu dalbanayo in laga dhigo 18 sano oo ah da’da ay aamisan yihiin Gaalada, Shareecada Islaamkana aan Wax Raad ah ku lahyan,” ayuu yiri Guddoomiyaha Hay’adda Culumada Soomaliyeed , Sh. Bashiir Axmed Salaad oo shir jaraa’id ku qabtay Muqdisho.

Sheekh Bashiir ayaa intaas ku daray. “Waxaa kaloo ka mid ah qodobada aan ku aragnay in Haweenka la buun-buuninayo - laguna Tarbiyeynayo inay kasoo hor-jeestaan Waalidkood ayna diidan amarrada ragga qaba, taaasoo ku ahan laftooda khatar.”

Guddoomiyaha Hay’adda Culummada Soomaaliyeed, ayaa Wuxuu sidoo kale sheegay, in waxyaabaha Diinta Islaamka ka hor-imaanaya ee Sharcigan ku jira ay ka mid yihiin; In la diido gabi ahaan gudniinka haweenka oo qofkii gabar uu dhalay guda laga dhigo dambiile, taasoo aan raad ku lahayn Islaamka.

“Waxaa sharcigan ku jira; in la banneeyo Sinada, maadaama la sheegay in la doonayo in la hirgeliyo sharciga Jinsiga [Gender] oo macnihiisu yahay in ay soo geli karaan cid aan rag iyo dumarna ahay oo wax kale iska dhigay,” ayuu hadalkiisa ku daray Sh. Bashiir Axmed Salaad.

Isagoo sii hadlaya ayuu Sheekhu intaas ku daray. “Qodobada kale ee ku jira waxaa ka mid ah; In gabadhu ay iyada is-guurin karto oo aan loo baahnayn Waalid iyo Sheekh, Taasoo aan dhihi karo maba jirto meel ay Caalamka ka jirto… waxaana xitaa diiday Qodobkaan Mareykanka iyo weliba Fetikaanka, marka waxaa la yaab leh in Soomaaliya oo Islaam ah lagu qasbo arrintaas.”

Ugu dambeyn, Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa ku baaqay in Haweenka lagu Caawiyo shaqooyinka ay hayaan ee guriga, sidoo kalena laga taageero dhinacyada Caafimaadka iyo waxbarashada, isagoo xusay inaysn baahida ay qabaan haweenku aysan ahayn Siyaasad.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya