4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 29, 2016
Warbixin la Xiriirta Noloshii Xil. Burci Maxamed XAMZA oo Muqdisho lagu Dilay (DHAGEYSO)


Arbaco, Juun 29, 2016 (HOL) — Muqdisho waxaa shalay lagu Aasay Alle ha u Raxmadee Xil. Burci Maxamed Xamza - oo ahaa Wasiir-u-dowlihii Arrimaha Deegaanka ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Burci, ayaa ku dhintay qaraxii maalintii Sabtidii ay Al-shabaab ku qaadeen hoteelka Naasa Hablood Kow oo Isgoyska Marshquulka badan ee Lambar Afar ee Bartamaha Magaalada Muqdishu ku yaalla.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Mas’uuliyiin kale oo ka Tirsan Dowladda Somalia ayaa ka Qayb-galey Salaaddii Jannaasada ee Marxuum Burci Maxamed Xamza.

Ugu Ugu dambeyn, Mudane Burci Xamza ayaa Wuxuu ka mid ahaa tiro ka badan labaatan qof oo lagu dilay Weerarkii Hoteelk Naasa Hablood, kaasoo ay mas’uuliyaddiisa sheegatay Al-shabaab.

DHAGEYSO: Warbixinta Gaarka ah ee ka hadlaysa Noloshii Burci Xamza - (VOA);

XIGASHO: VOA SOMALI