4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 29, 2016
Odayaal Dhexdhexaadinaaya Beelo Ku Dagaalamay Sool

 

Arbaco, Juun 29, 2016 (HOL)-Odayaal dhaqameed ayaa u baxay inay heshiisiiyaan beelo dhawaan ku dagaalamay Sool.

Gobolka Sool ayaa in dhawaaleba waxaa ka taagnaa xiisado gaar ahaan deegaanka Dharkeen Geenyo.

Odayaasha ayaa baaq u jeediyay beelaha dagaalamay inay nabadda qaataan.

Waxay la kulmeen odayaal iyo cuqaal gobolkaa kasoo jeeda. Sidoo kale ayay sheegeen in labada beelba ay haatan u jajaban yihiin waawaan iyo wada xaajood in arinka lagu dhammeeyo.

Colaadaha soo noqnoqday ee gobolkaa ayaa sababay dhimasho, dhaawac iyo barakac baahsan.


Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]