4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 29, 2016
Dawlada Soomaaliya oo Maanta Shaacinaysa Qorshaha Horumarinta Qaranka

Arbaco, Juun 29, 2016 (HOL)-Dawlada Soomaaliya ayaa maanta waxaa lagu wadaa inay shaaca ka qaado qorshaheeda horumarinta qaranka (National Development Plan).

Qorshahaas ayaa wuxuu daba socdaa qorshihii loo yaqaanay New Deal. New Deal ayaa waxaa uu ku eg yahay sanadkaan 2016.

Qorshahaan horumarinta qaranka (National Development Plan) ayaa waxaa lagu wadaa in lagu dhiso afar qodob oo loogu tala galay horumarinta.

Qorshaha ayaa maanta la bilaabayaa walow laga soo shaqeynaayay dejintiisa muddo dheer ayadoo masuuliyiin badan arinkaa lagu hawlinaayay muddo dheer.

Afarta qodob ayaa kala ah, dhimitaanka saboolnimada, dhisida kaabeyaasha dhaqaalaha, in siyaasadu ay noqoto mid laga wada qeyb qaato iyo hayadaha in la xoojiyo.

Wasiirka Wasaarada Qorsheynta, Cabdiraxmaan Caynte ayaa sheegay in dhaqaalaha ku baxaya qorshahaan dadka Soomaaliyeed laga doonayo oo ay tahay Soomaalidu inay keenaan qeyb ahaan wixii ka dhimanaadana beesha caalamka.

Soomaaliya ayaa dhibaatooyin ku jirtay tan iyo sanadkii 1991 oo dawladi ama aysan jirin ama aysan xoogganayn sidaa darteedna hayadaha samafalka ayaa caawinaayay dadka Soomaaaliyeed muddo dheer haatana waxaa dawlada jirta ay isku dayaysaa inay kaalinkeeda ku aaddan caawinta dalka iyo dadka ay xoojiso oo qorshahaan qaran iwm ay bilow u yihiin amba qaadida arinkaa. 

 Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]