4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Jun 29, 2016
Qaraxyo Ka Dhacay Garoonka Ata-Turk ee Istanbul Turkiga

 

Arbaco, Juun 29, 2016 (HOL)-Qaraxyo  ayaa ka dhacay garoonka caalamiga ah ee Ata-Turk ee magaalada Istanbul dalka Turkiga xalay.

Tobaneeyo qof ayaa lagu soo waramayaa inay halkaa ku dhinteen ugu yaraan tobaneeyo kalena ay dhaawac yihiin.

Khaasatan tirada dhimashada ayaa sare u dhaaftay 30.

Qaraxyada kadib ayaa waxaa is rasaaseeyay dadkii weerarka soo qaaday iyo ciidamada biliiska ee Turkiga.

Wararka qaar ayaa sheegaya in 3 qof oo weerarka dadkii soo qaaday  kujiray ay ismiidaamiyeen.

Si kastba biliiska ayaa toogtay mid kale oo ka mid ahaa dadkii weerarka geystay.

Duulimaadyada ayaa garoomo kale loo weeciyay dad weynahana waxaa loogu baaqay inaysan meeshaa amni ahayn oo aysan soo galin.

Madaxweynaha dalka Turkiga Raccep Tayep Ordogan ayaa sheegay in qaraxyadaas ay geysteen cadaw doonaya inay borobagaando ku abuuraan xanuunka iyo daadinta dhiigga dad masaakiin ah oo aan waxba galabsan.

Dawlada Turkiga ayaa weerarkaa ku eedeysay Daacish.

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]