4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 28, 2016
SAWIRO: Taliska Booliiska Somalia iyo Wafdi ka Socday Midowga Yurub oo ku kulmay Muqdisho


Talaado, Juun 28, 2016 (HOL) — Taliyaha Booliiska Somalia, Jen. Maxamed Sh. Xasan Xaamud iyo Mas’uuliyiinta ka socday Midowga Yurub, ayaa Maanta ku kulmay Xarunta Akadeemiyada Boliiska Soomaaliya ee Jeneraal Kaahiye.

Kulankaan, ayaa Waxaa diiradda lagu saaray Sidii loo xoojin lahaa Xiriirka ka dhaxeeya Booliiska Somalia iyo Midowga Yurub, isla markaana ay booliiska Somalia gacan u siin lahaayeen.

Sidoo kale, Waxaa kulanka looga hadlay xoojinta wada-shaqeynta Booliiska Somalia iyo Midowga Yurub, iyadoo Mas’uuliyiinta Midowga Yurub ay u kuur-galayeen qaabka loo fuliyay kaalmooyinka kala duwan ee ay siiyaan Booliska Soomaaliya.

Mas’uuliyiintaan, ayaa markii ay soo gaareen Xarunta Jen. Kaahiye Kormeer ku sameeyey Howlaha socday oo ay ka mid ahaayeen Tababaro u socda ciidammo booliiska Somalia ka mid noqonaya.

Taliyaha Booliiska Somalia, Jen. Xaamud oo ay Wehliyaan Saraakiisha Booliiska Somalia, ayaa Mas’uuliyiinta Midowga Yurub ka socday uga Warbixiyey howlaha Muhiimka ah oo ay hayaan Booliiska Soomaaliya iyo Diyaar-garoowga iminka ay ku howlan yihiin. Isagoo intaasi kaddibna muhiimadda kulanka u faah-faahiyay Warbaahinta.

“Wafdiga Midowga Yurub, Waxaanu kawada hadalnay hawlaha kala duwan oo ay hayaan Ciidanka Booliiska, Waxayna u socdeen inay hubiyaan sida loo fuliyey mashaariicda kala duwan oo ay Ciidanka booliiska Soomaaliya ku caawiyaan,” ayuu yiri Taliyaha Booliiska.

Jen. Xaamud ayaa xusay in mas’uuliyiinta ka socday Midowga Yurub ee ay la kulmeen ay u Muujiyeen Diyaar-garoowga ay Haatan Booliiska Soomaaliya ku Hawlan yihiin. Isagoo yiri. “Waxaan kaloo u sheegnay Wafdigaan inaanu wadno diyaar-garoow aan ku dooneyno inaan kula Wareegno Ammaanka, Maadaama AMISOM mar waliba aysan nala joogayn.”

Ugu dambeyntii, Taliska Booliiska Soomaaliya, ayaa wali ku Hawlan dhismaha Ciidamada booliiska, iyadoo ay socdaan Tababbarro kala duwan oo u socda dhallinyaro wax-bartay oo u is-taagay u shaqeynta Dadkooda iyo Dalkooda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya