4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 28, 2016
DANJIRE JAMAAL: Ma jirto Qoxooti la Doonayo in Khasab Soomaaliya loogu Celiyo (SAWIRRO)


Talaado, Juun 28, 2016 (HOL) — Danjiraha Somalia u fadhiya Kenya, Jamaal Maxamed Xasan iyo Wafdi uu Hoggaminayo ayaa booqasho ku tagay Xeryaha Dhadhaab ee Kenya, Waxaana wafdigan qayb ka ahaa; Mas'uuliyiin ka tirsan Safaradda Somalia ee Kenya iyo ku xigeenka Wakiilka Hay’adda UNCHR ee dalka Kenya.

Wafdigan, ayaa waxaa Xeryaha Dhadhaab kusoo dhaweeyay haweenayda ku xigeenka u ah Madaxa UNCHR ee Dhadhaab, Caasho limaan, Waxaana Wafdigu ay Xerada Dhagaxleey kulan kula qaateen qaar ka mid Hor-joogayaasha Xeryaha iyo Culummada Dhadhaab.

Danjire Jamaal, ayaa hor-joogayaasha Xeryaha Dhadhaab iyo Culumada uga warbixiyay wadahadalkii dhawaan Nairobi ku dhexmaray; Dowladaha Kenya, Somalia iyo Hay’adda UNCHR. Safiirka ayaa sheegay inaysan jirin wax qasab ah oo Qoxootiga loogu celinayo Somalia, isagoo xusay inay Dowladda KEnya ballan-qaadday inay tix-geliso heshiiska saddex-geesoodka ahaa ee dalalka Somalia iyo Kenya iyo UNCHR ay horay ugu kala saxiixdeen Nairobi.

Sidoo kale, Safiirka ayaa intaas ku daray in dhawaan xeryaha Qoxootiga ee Dhadhaab laga billaabayo barnaamij qiimeyn ah oo lagu kala saarayo Dadka Qoxootiga ah iyo Kenyaanka Xeryaha ku jira si loo ogaado tirada qoxootiga Soomaaliyeed, kaddibna Somalia iyo Kenya iyo UNHCR bisha Oktoobar ee Sannadkaan ayay mar kale wada fariisanayaan si Arrimaha Qoxootiga looga wada-hadlo mar kale.

Wuxuuna Safiirku intaas ku daray in 100,000 oo Qoxooti Soomaaliyeed ah ay si iskood ah Somalia ugu laabteen, iyadoo aysan jirin cid caawisay sidoo kalena 16,000 oo Soomaali ah ku laabteen barnaamijka Dib-u-celinta Qoxootiga.

Ugu dambeyntii, Danjiraha Somalia u fadhiya dalka Kenya, Jamaal ayaa deeq timir ah soo gaarsiiyay Qoxootiga ku dhaqan Xeryaha Qoxootiga Dhadhaab ee Waddanka Kenya oo ah kuwa ugu weyn Dunida oo dhan.

Hiiraan Online, News Desk