4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 28, 2016
Dagaal Khasaare Geystay oo Maanta laba beelood ku dhex-maray Dulleedka Degmada Beledweyne


Talaado, Juun 28, 2016 (HOL) — Dagaal u dhaxeeya maleeshiyo beeleed, ayaa maanta ka dhacay Deegaan lagu Magacaabo Baar-gacan-laawe oo 35-km dhinac galbeed kaga beegan magaalada Beledweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan.

Maleeshiyaada labadan beelood, ayaa marar badan oo hore ay Dagaallo ku dhexmareen Xaafadda Howl-wadaag ee Beledweyne, waxaana dagaalkan uu dhacayaa xili dhawaan hishiis buuxda  gaareen waxgaradka labada dhinac.

Sidoo kale, Wararka naga soo gaaraya Deegaanka lagu Dagaallamay ayaa sheegaya inuu jiro khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac malleeshiyada dagaalamay soo kala gaartay.

Marka Dagaallada noocaan oo kale ah ka dhacaan dhulka miyiga ah waxay baqdin iyo cabsi soo food saartaa dadka ku dhaqan xaafadda Howl-wadaag oo dagaallada in badan ka dhaca xiriir la leeyihiin dirirta labada beellood ku dhaxmarta dhulka fog ee miyiga ah.

Ugu danbeyntii, waxgarad iyo odayaal ku dhaqan degmada Beledweyne ayaa ugu baaqay labada dhinac in ay joojiyaan dagaalka wixii khilaaf ah ee jirana ku dhameeyaan wadda hadal.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya