4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 28, 2016
DAAWO: Dibadbax looga soo horjeeday Xasan Sheekh oo ka dhacay Magaalada Baladweyne

Talaado, Juun 28, 2016 (HOL) — Dibadbaxan oo ay ka qeyb-qateen shacab isaga yimid xaafadaha magaalada Beledweyne ayaa looga soo horjeeday madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max'uud, halka dhinaca kalana lagu taageeray Ugaas Xassan Ugaas Khaliif.

Dibadbaxayaasha oo socod ku soo maray jidadka magaalada ayaa markii danbe isugu soo uruuray fagaaraha xarunta daraawiishta halkaa oo ay kula hadlleen warbaahinta.

Sidoo kale shacabkan dibadbaxa ka qayb-qaatay ayaa kasoo horjeestay go'aanadii ka soo baxay shirkii dhawaan lagu soo gabagabeeyay magaalada Baydhabo iyo magacaabista liiska 135 oday ee soo xulayaan xildhibaannada baarlamaanka cusub.

Dibadbaxayaasha ayaa ku eedeeyay madaxweyne Xassan Sheekh in uu fara-galin toos ah ku hayo sidda ay hadalka u dhigeen arrimaha dhaqanka, iyaga oo dhinaca kale intaa ku darray in dhismaha dowladda cusub iyo soo xulista xildhibaannada gobolka Hiiraan ku matalaya baarlamaanka federaalka ee dhawaan la dhisayo tahay in wax laga weydiiyo Ugaas Xassan Ugaas Khaliif.

Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Xassan Sheekh Max'uud iyo Ugaas Xassan Ugaas Khaliif ayaa marar badan oo hore isku khilaafay arrimaha siyaasada, gaar ahaan dhismaha maamulka gobolada Hiiraan & Sh/dhexe.

Laakiin dhawaan Ugaaska ayaa magaalada Beledweyne kula shiray wafdi ka socday urur gobolleedka IGAD iyo dowladda Itoobiya oo ay ka wada hadleen xaalada guud ee dalka, arrimaha doorashada dalka iyo dhismaha Maamul-gobolleedyada.

Siyaasiyiin iyo aqooyanno ku sugan Magaalada Beledweyne ayaa HOL u sheegay in Dowladda Federaalka gaar ahaan madaxweyne Xassan Sheekh siyaasadeynayo arrimaha masiiriga ee bulshada ku dhaqan gobolka Hiiraan oo ay tahay sidda ay hadalka u dhigeen in loo daayo go'aan qaadashadooda iyo habka ay uga qeyb-qaadanayaan isbadalka dowladnimo ee dhawaan la filayo, iyaga oo dhinaca kalana ka digay in xildhibaannada gobolka Hiiraan ee baarlamaanka federaalka lagu soo xulo meel ka baxsan magaalada Beledweyne.

Ugu danbeyntii, tan iyo wixii ka danbeeyay shirkii madasha-wadda-tashiga ee dhawaan lagu soo gabagabeeyay magaalada Baydhabo iyo magacaabista 135 oday ee soo xulaya xildhibaannada baarlamaanka, waxaa magaalada Beledweyne ka soconayay kulamo is daba joog ah oo looga arinsanayo sidda dowladda federaalka u maamuleyso hanaanka doorashada dalka, waxaana xusid mudan in waxgaradka gobolka Hiiraan ku dhaqan horay ugu gacan -seyreen 22-ka xubnood ee guddiga doorashada Qaran.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya