4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Jun 28, 2016
Ciidamada AMISOM oo la sheegay inaysan wax Mushaar ah Qaadan Lixdii Bilood ee lasoo dhafay


Talaado, Juun 28, 2016 (HOL) — Warbixin ay Diyaarisay Suxufiyad ka Tirsan BBC-d oo ku timid booqasho Muqdisho, ayaa lagu sheegay in Ciidamada ka hawlgala Soomaaliya ee AMISOM aysan mushaar qaadan muddo lixdii bilood ah.

Suxufiyadda aaya xustay in Ciidanka AMISOM oo tiradooda gaarayso 22,000 oo Askari in mushaaraadkooda loo hakiyay arrimo la xiriira dhanka xisaabta. Iyadoo Madaxa AMISOM ay sheegeen in la saxay waraaqaha xisaabaadka oo hadda diyaar yihiin.

“Warqadihii xisaabaadka waa la diray, lacagtana waa loo soo dirayaa gabi ahaan ciidamada AMISOM ee Soomaaliya ka hawl-gala,” ayuu yiri Wakiilka Midowga Afrika ee Somalia, Danjire, Francisco Madeira.

Dhanka kale, Suxufiyadda ayaa sheegtay lixdii bilood ee lasoo dhaafay aysan wax mushaar ah Qaadan Ciidamada AMISOM, sida ay u sheegeen Askar AMISOM ka tirsan oo ay kula safartay deegaanno ka tirsan Soomaaliya.

Taliyaha Ciidamada Difaaca dalk Uganda, Jen. Katumba Wamala ayaa Isna xusay inuusan garanayn sabab lagu fasiro mushaarka ka maqan Ciidamada AMISOM.

Jen. Katumba ayaa sheegay in sababaha ay ciidamada Uganda ugala baxayaan Somalia ay ka mid tahay Jah-wareer ay ka qaadeen Ciidammada Somalia iyo La-taliyaasha Milatariga Maraykanka, Britain iyo Turkiga.

Ugu dambeyntii, Ciidanka ka socda Dalka Uganda ee AMISOM ka Tirsan, ayaa Somali ku sugan tan iyo sannadkii 2007, waana ciidamada ugu badan ee AMISOM. Iyadoo haddii ay kala baxaan Somalia ay noqonyso caqabad weyn oo lasoo darista AMISOM.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya