4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 28, 2016
Qaxootiga Kakuma oo Kufsi Lagu Hayo Dumarkooda

Talaado, Juun 28, 2016 (HOL)-In dhawaaleba waxaa isasoo tareysay cabashada qaxootiga Soomaalida ah ee kunool Kakuma oo dil, dhac, dhaawac iyo kufsi intaba lagu hayay.

Waxaa jira oo HOL soo ogaatay rag Soomaaliyeed oo qaxooti halkaa ku ahaa oo dhaawac loogu geystay halkaa haatana mid ka mid ah lagu daaweynaayo dalka India.

Sidoo kale ayaa waxaa jira kuwo kale oo weli Nairobi looga dabiibaayo dhaawacyo ay u geysteen dabley hubeysan oo ah dadka deegaanka Kakuma oo soo weeraray.

Sidoo kale ayaa waxaa lagu soo waramayaa in dumar badan halkaa lagu faro xumeeyay.

Arintaas ayaa haatan la sheegayaa inay ku qasabtay in ay qaxootiga halkaa kunool samaystaan kooxo ilaaliya habeynkii gaar ahaan oo waardiye qabta.

Dadka Soomaalida ah ee qaxootiga ah ee kunool Kenya ayaa waxaa guud ahaan iminka haysta cadaadis weyn oo ah in dib loo celinaayo iyo in mar walba la hadal hayo arintaan dilka, dhaca iyo kufsiga ahna haatan ayay la soo daristay.

Laga soo bilaabo bishii Abriil ilaa 12 dumar ah ayaa wararku sheegayaan in lagu kufsaday xerada Kakuma. Habeynimo ayaa haweenkaa lasoo weeraray oo falalkaa lagula kacay.

Saxafi kunool Kakuma ayaa xaqiijiyay in bishii Maarso ee sanadkaan  toban weerar ay dhaceen labo asbuuc gudahood!

In badan waxa la dilo ama la dhaawaco waa ragga laakiin waxaa jirtay in gabar 16 jir ahayd oo reerkooduna weli ay daggan yihiin Soomaaliya gaar ahaan Muqdisho ay rag hubeysnaa oo soo weeraray ay toogteen kadib markii ay isku dayday inay iska difaacdo inay raggaasi kufsadaan.

Ayada, dumar kale oo saddex ah iyo eedadeed ayay doonayeen raggaasi inay kufsadaan. Dhafoorka ayay ka toogteen. Iskoolna wey dhigan jirtay wadan kale in dib u dejin laga siiyana wey sugeysay.

Kadib markii ay Soomaalida kunool Kakuma mudaaharaadeen ayaa bandow xeradaa lagu soo rogay min 6da subaxnimo ilaa 6da galabnimo.

Tirada booliska ee ilaaliya xeradaa ayaa sidoo kale la sheegay inay ka yar tahay intii loo baahnaa. Kooxaha ilaalada ah ee qaxootiga ah ee haatan la sameeyay oo gaaraya 3000 ayaan wadan hub balse ulo iyo firibi!

Mid kasta oo ka mid ah wuxuu heystaa firibmi digniin uu ku bixiyo hadii uu arko burcad weerar ah habeynkii.

UNHCR ayaa sheegtay in loo baahan yahay tillaabooyin dagdah ah oo dhibaatooyinkaa looga hortagaayo in la qaado.