4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Jun 28, 2016
War Dagdag ah: Bandow Lagu Soo Rogay Magaalada Laascaanood

 

Wararka ka imaanaya magaalada Laascaanood ayaa sheegaya in magaaladaa bandow lagu soo rogay maanta kadib markii dhowr qof lagu dilay duleedka magaaladaas.

 

Ilo-wareedyo kusugan deegaano aan halkaa ka fogeyn ayaa sheegaya in 3  qof ay gaareyso tirada dhimashada.

 

Arintaa ayaa waxaa u sabab ah in gaari shan qof ay lasocdeen la weeraray 3 ka mid ahaa dadkaa oo qofi dumar yahayna la dilay. 

 

Dilka ayaa waxaa loo sababeeyay dhibaato beelo halkaa wada daga dhex martay. 

 

Halka gaariga lagu weeraray ayaa 8km u jirta magaaladaa Laascaanood waxaana lagu magacaabaa Xareer Daayeer 

 

Waxay wararku intaas ku darayaan in dirir ay ka bilaabatay magaalada duleedkeeda dabadeedna ay usoo gudubtay gudaha magaalada ka hor inta aan bandowga lasoo rogin.

 

Dadka dhintay maahee, waxaa jira dad dagaalkaa lagu dhaawacay walow aan wali la ogeyn tiradooda. 

 

Aaden M Warsame
Hiiraan Online
[email protected]